X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Aannay Ka Noqon Heshiiskii Imaaraadka Ee Saldhiga Berbera

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, 14 April 2020, Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in aannay ka bixin heshiiskii dawladda Imaaraadka Carabta ay la gashay xukuumaddii horre ee Madaxweyne Siilaanyo ee Saldhiga Millateri ee Madaarka Magaalada Berbera.

Sidaana waxa sheegay Wasaarka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, isagoo dababa socday hadal uu sixitaan ku samayeeyey oo ahaa inay Dowladdu lasoo noqotay Garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera oo ay Xukuumaddii hore heshiis 30 sano ku siman ku siisay Dowladda Imaaraadka oo Dib-u-dhis ku samaysay Madaarka, isla markaana Saldhig Millateri oo heshiiska qayb ka ahaa ka

Qoraal saxaafadeed uu Wasiirku soo saaray 14-ka May 2020, ayuu ku sheegay inaanay Somaliland la soo noqon Garoonkaa, isla markaana ka bixin heshiiska ay kula jirto Imaaraadka, hayeeshee, Diyaaradaha Shacabku ay la istimaali doonaan Millateriga Imaaraadka Carabta, wuxuuna war-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network u dhignaa sida:-

“Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa War-saxaafadeed hore uga soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo aanu dib u sixid ku sameynay meelo ka mid ah hantidii ay dib ula soo noqotay Xukuumadda JSL, waana sidan hoos ku cad.

Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera

Qeybta Dhuumaha Shidaalka ee ka soo Nuuga Maraakiibta Kuna Shuba Keydka Haamaha Shidaalka, Qalabka Hubinta Tayada Shidaalka. Taargooyinka kala duwan ee Dalka sida Kuwa Dawladda, Shicibka iyo Kuwa Q/Midoobay, Hay’adaha Caalamiga Iyo Kuwa Maxalliga.

Liisamada Baabuurta ee Shicibka iyo kuwa Hay’adahaba.

Dhukumentiga Wadda Marista ee lagu dhejiyo Muraayadda hore ee  Baabuurta.

Tigidhada Cashuuraha  iyo Cusboonaysiinta  Liisamada kala duwan.

Kirooyinka Gaadiidka ku Nasanaya  Barxadda  Madaarka [Parking]

Hudheelka Hargeysa Club oo ka mid ah Goobaha Taariikheed ee Dalka.

Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo hore loogu bixiyey heshiis saldhiga Millatari oo dhexmaray 2017-kii Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta. Waxa uu sax ku yahay warkaasi in imika laga dhigay mid Diyaaradaha Shicibka ahi ay sidoodii hore  u isticmaalayaan, iyadoo aan waxba laga beddelin heshiiskii hore u dhexmaray labada dal.

La Wareegidda Dhulka Ballaadhan ee dhawaan la Deyray oo Laga dhisayo Xarun u Qalanta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xaruntii Khayriyada Hargeysa oo hadda Xukuumaddu ka wado dhisme Madxaf qaran.

Intaa Waxa Dheer Diiwaangelin iyo Tira-Koob Lagu Sameeyey Dhammaan Hantida Ma-Guurtada ee Qaranku Leeyahay ee ku kala yaal Gobollada Dalka , Waxana laga Hawlgalay 1dii Sep 2018kii Injineerro ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Kuwaas oo Hawshaa Diiwaangelinta muddo Laba Bilood ah ugu Maqnaa Gobollada dalka, si ay Indhahooda ugu soo Arkaan.

Gebagebadii Waxay soo Diiwaangeliyeen oo ay soo Tira-Koobeen Hantida Ma-Guurtada ee Qaranku Leeyahay oo dhan Afar Kun Laba Boqol Iyo Sideed Lixdan [ 4,268] oo Isugu Jira Seerayaal, Garoonnada Ciyaaraha, Dhaamam, Ceelal, MCH-yo, Dhismayaal Shicib ku Jiro Iyo Sidoo Kale Dhammaan Xarumaha Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Hoose ee Dalka ka dhisa Dib u sixid kooban oo ku saabsan goobaha iyo adeegyada Xukuumaddu dib ula soo noqotay.” Ayuu Wasiir Saleebaan Koore ku yidhi  qoraal saxaafadeedkiisa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post