X

Somaliland Oo Shaacisay Tirada Kiisaska COVID-19 Ee Cusub Iyo Jawaabta Ay Ka Bixisay Wasiiro Sheegtay In Ay Qabaan Xannuunka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye

Hargeysa(ANN)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland oo si maalinle ah u shaacisa tirada maalin walba uu marayo Cuddurka COVID-19, ee ku baahay dunida, ayaa shaacisay in baadhitaankii u danbeeyay laga helay xannuunka 26, kadib markii baadhitaan lagu sameeyay 80 qof oo oo iskood ula soo xidhiidhay, kuwaas oo isaga shakiyay xannuunka Coronavirus.

sida uu ku sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye warbixinaha uu maalib walba la wadaago warbaahinta.

Dr. Xergeeye, wuxuu sheegay in dadka xannuunka laga helay kala joogaan Magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama, kuwaas oo noqonaya saddexda Magaalo ee xannuunku ugu badan yahay xilligan, walaw aannu jirin baadhitaan la sameeyay oo siman si loogu oggaanayo baaxada xannuunka.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, wuxuu xusay in dadka xannuunka laga helay ay da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 39 jir. Dhinaca kale kiisaska dhimashada Coronavirus ee Somaliland gaadheen ilaa hadda 22 qof, halka tirada guud ee kiisasku gaadheen 358.qof.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadkii kasoo bogsaday 24-kii saacadood ee u danbeeyay, 5 qof, taas oo ka dhigaysa dadka ka bogsaday 48 qof.

Agaasimaha oo sharaxaya halkan ka Daawo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post