X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Caabuqa COVID-19

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay kiisas cusub oo laga helay oo ah caabuqa Coronavirus, taas oo kordhisay tirada ilaa xilligan si dhab ah loo shaaciyay, walaw aannu jirin baadhitaan ku waajahan Fayriska COVID-19 ee gudaha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi Bade oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee ka hor-tagga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19, oo maanta kula hadlay weriyayaasha xafiiskiisa, ayaa sheegay in 14 qof baadhitaanka caafimaadkooda dalka dibaddiisa loo diray ay natiijadii ka soo baxday noqotay in saddex ka mid ah laga helay xannuunka Coronavirus.

Cumar Cali Cabdullaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland, wuxuu sheegay in saddex kiis ee cusub laga helay gobollada Awdal iyo Maroodijeex, taas oo tirada guud ee dadka cudurkan laga helay ka dhigayssa 5 qof. Sida uu sheegay.

Saddex qof ee laga helay xannuunka oo ah kiisaska cusub ee soo kordhay, wuxuu sheegay in laba ka mid ah ku nool yihiin magaalada Hargeysa, halka qofka saddexaad ku sugan yahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awadal.

Mr. Bade, wuxuu xusay in xaaladda caafimaad ee guud ahaan dadka xannuunka la helay gudaha Somaliland ay wanaagsan tahay, isagoo sidoo kale sheegay inay jiraan laba qof oo kale oo xannuunka looga shakiyey, kuwaas oo baadhitaankooda caafimaad ay gacanta ku hayaan, isla markaana ka war-sugayaan natiijada ka soo bixi doonta shaybaadhka.

Somaliland, ayaa hore u shaacisay in xanuunka Covid-19 laga helay laba qof oo midkood yahay Ajaanib u dhashay dalka Shiinaha oo ku sugan magaalada Berbera,  halka qofka kalena ku nool yahay magaalada Burco ee xarunta gobolka Toghdeer,walaw Wasiirka Caafimaadku sheegay in labadaa qof ay xaaladdoodu wanaagsan tahay oo ay wasaarad ahaan la socdaan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post