X
    Categories: Warar

#Somaliland Oo Shaacisay In COVID-19 Laga Helay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi iyo xubnaha guddida caafimaadka ee heer qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka COVID-19, 31 March 2020, Hargeysa Araweelo News Network.

COVID-19 Cases Found in Somaliland


Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u shaacisay kiisaskii u horreeyay ee lagu arkay Coronaviris gudaha dalka.


Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi oo goor dhowayd warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in jawaabo kasoo baxay baadhitaan lagu sameeyay laba qof oo midkood u dhashay Dalka China, halka ka kale sito dhalasho dalka Britain ah.


Labada qof la xaqiijiyay inay qabaan Coronavirus, ayuu sheegay innay ku kala sugan yihiin Magaalooyinka Berbera iyo Burco, wuxuuna tilmaamay in Ninka ku sugan Berbera uu yahay qof dhashay China, halka ka kale yahay muwaadin Somaliland ah oo sita dhalashada Briatin.


“26 March ayaanu oggaanay, labadaa qof xaalladooda, waxaana Jimcihii 27 March ku samaynay baadhitaan ay samaysay wasaaradda Caafimaadku, kaas oo lagu oggaaday inay qabaan COVID-19, balse si aan u xaqiijino waxaan 28 March, mar labaad sheybaadh ku yaal Kenya oo Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, aqoonsantahay u diray dheecaannada labadaa qof.


“Xalay waxa nasoo gaadhay jawaabtii, waxaana is waafaqay sheybaadhkii aannu samaynay iyo Sheybaadhkii lagu soo sameeyay Kenya.” sidaa awgeed waxaan xaqiijinayaa in Maanta 31 March 2020, ay Somaliland hayso labadaa kiis. ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlayay.


Wuxuu sheegay in Masuuliyiinta Cafimaadka iyo kuwa maamulka ee labadaa gobol lagu amray inay baadhitaan ku sameeyaan labadaa qof dadkii ay la kulmeen intii ay ku sugnaayeen dalka, isla markaana wixii kasoo kordha ay warbaahinta la wadaagayan.


Wasiirka Caafimaadka Somaliland, wuxuu xusay in labadaa qof xaalladoodu ay fiicantahay, isla la markaana lagu dawaynayo goobaha Caafimaadka oo ay gacanta ku hayaan hawshooda shaqaalaha labada magaalooyinka Burco iyo Berbera ee Caafimaadka.

Dhinaca kale, Cumar Cali Cabdullaahi Wasiirka Caafimaadka, wuxuu bulshada usoo jeediyay inay u hoggaansamaan awaamiirta Guddida heer qaran ee la dagaalanka iyo diyaargarawga COVID-19, isla markaana ay dadweynuhu raacaan tallooyinka la siiyay.

Labadan kiis, ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee la oggaaday Somaliland ee la shaaciyo, walaw aannu jirin baadhitaan la sameeyay, isla markaana ay dad baddan kasoo galeen Somaliland xuduudaha, kuwaas oo wax ka yar labaatan qof marka laga reebo aan la baxnaanin xaalladooda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post