X
    Categories: Warar

Somaliland oo Qareenno Caalami ah u Kiraysanaysa Xuquuqda muwaadiniin Lagu Dilay Yemen

A picture taken on March 17, 2017, shows bodies of people who were killed in a boat carrying Somali refugees arriving at Yemen's western port city of Hudaydah. (Photo by AFP)

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qorshaynaysa inay kiraysato qareenno caalami ah oo lagu raadinayo xuquuqda muwaadiniin fara badan oo reer Somaliland ah oo lagu laayey duqayn diyaaradeed oo ka dhacday xeebaha badda Yemen bishii March ee sannadkan 2017.
Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed, ayaa xaqiijiyey in dawladdu wado dedaallo ay ku raadinayso xuquuqda muwaadiniin reer Somaliland ah oo tiradoodu dhan tahay 21 qof iyo 10 ruux oo kale oo falkaas ku dhaawacmay.
Amb. Cali Maxamed Axmed oo u warramay telefishanka Qaranka Somaliland shalay, waxa uu ugu horreyn ka warbixiyey dhacdadii lagu laayey dadkaasi iyo hawlihii xafiiska Somaliland ee Yemen ka qabtay, waxaannu yidhi, “Arrintaa qaybteedii hore waxay ku gabogabowday in dadkii ku dhintay xaq-darrada ee lagu laayey xeebta Xudayda ee dalka Yemen la aasay maalintii Khamiistii ee bisha May 25-ka ahayd, dhacdadaasi maalintii ay bilaabantay oo ahayd 17-kii bishii March ilaa maalintan la aasayey xafiiska Somaliland ee Yemen annagoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dawladda culays badan baanu saarnay oo waxaannu ula soconay taako-taako maxay ku suganyihiin dadkii dhintay iyo kuwan dhaawaca ahaa iyo tiradooda? Waxa loo sameeyey xoghaye gaar ah oo nin muddakar ah oo la yidhaa Maxamed Maxamuud Maxamed oo xafiiska ka tirsan oo si joogto ah ula xidhiidhayey waalidiinta ay ka baxeen carruurta xaq-darrada lagu laayey, isagaa markaa tallaabo tallaabo ula socodsiinayey halkay marba wax marayaan iyo sida dawladdu u shaqaynayso.”
“Markaa annagoo mar kale ka tacsiyadaynayna waalidiinta iyo shacabka geeridaasi waxaannu u sheegaynaa in sharaf leh loo aasay oo iyagoo calankoodii dul-hadhsanaya la aasay oo loo aqoonsanyahay inay yihiin dad ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
Arrintan waxa daba socday oo geed walba u istaagay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland,” ayuu yidhi Wakiilku.
Waxa kaloo uu sheegay inay xafiis ahaan diyaariyeen warbixino xambaarsan macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan sidii uu u dhacay falkani, taas oo ay adeegsan doonaan qareennada u doodi doona xuquuqda dadka ku waxyeeloobay duqaynta loo gaystay doonidii siday Soomaalida ee maraysay xeebaha dalka Yemen.
“Muddadii arrintani socotay kumaanaan eekayn uun Xudayda, Sanca iyo Cadan ee albaab kasta waanu garaacaynay, waxaanna xafiiska yaal fayl aad u wayn oo aannu u soo gudbinayno Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa ku jira faylkaasi warbixin aannu ka helnay ilo kale oo ku saabsan markii dhallinyarada la saarayey doonida ilaa markii la duqeeyey sidii arrintu u dhacaysay oo wax waliba ay ku taxanyihiin, taasi waxay faa’iido u yeelan doontaa looyarada (qareennada) u hadlaya dadkan ee xuquuqdooda raadinaya,” ayuu yidhi Amb. Cali Maxamed Axmed.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post