X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Markii U Horraysay Kharashka Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee 2019/2020 Dusha U Ridatay

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska, Marwo Ayaan Xaaji Yuusuf, Araweelo News Network, 10 August 2020.

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Wasaarada waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, ayaa ka hadashay kharashka ku baxay imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo fasallada 8aad ee 2019/2020.

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska, Marwo Ayaan Xaaji Yuusuf, ayaa sheegtay in markii ugu horreysay dowladda Somaliland bixisay kharashka imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo fasallada 8aad ee 2019/2020.

Agaasime Ayaan Xaaji Yuusuf, waxay sidaas ku sheegtay hadal ay ka jeedisay munaasibad lagu shaacinayay natiijada Imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalada Afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8aad ee Dugsiyada dhexe ee Somaliland oo Isniintii oo lagu qabtay Hargeysa.

Sidoo kale, waxay ka warantay Marwo Ayaan Xaaji Yuusuf, Agaasimaha maamulka iyo Lacagta, isla markaana si qoto dheer uga warrantay doorka ay ka maamul ahaan ka qaateen Imtixaanaadka shahaadiga ah.

Dhinaca kale, waxay xustay in iyadoo lagu jiray sannadkan xaaladda uu sababay cuddurka sida weyn aduunka u saameeyay ee COVID-19, isla markaana ay jireen duruufo dhaqaale ay Wasaarad ahaan muujiyeen dedaalka intaa leeg, taas oo ay sheegtay in ay ahayd guul ay markii u horaysay wasaarad ahaan gaadheen.

Sidoo kale, waxay Agaasime Marwo Ayaan xustay in ay weliba kharashka lagu galay Imtixaanaadka ahaa mid ka badan kii hore ay Wasaarad ahaan u isticmaali jireen, isla markaana ay jiraan deegaamo cusub oo sannadkan Imtixaanaadka ka qaybgalay oo aan hore uga qaybgeli jirin, waxayna tusaale usoo qaadatay Gobolka Xaysimo ee xaruntiisu tahay Taleex, taas oo ay sheegtay in ahayd guul weyn oo ay shacbigu markhaati ka noqonayaan in markii u horaysay iyadoo aan Hay’addo iyo cid kale oo shisheeye ah ka caawin wasaaradda inay dusha u ridato kharashka Imtixaanaadka ee sannad dugsiyeedka 2019/2020, ee shahaadiga ah ee fasalada Afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8aad ee Dugsiyada dhexe ee Somaliland.

Muuqaalka Marwo Ayaan Agaasimaha Wasaaradda Waxbrashadda iyo Sayniska Somaliland ee maamulka iyo lacagta oo arrintaa ka hadlay halkan ka Daawo.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post