X
    Categories: Warar

Somaliland Oo loogu Qabtay Shir lagu Samaynayey Cilmi-baadhis la Xidhiidha Amniga Qaaradda Afrika

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa soo xidhay shir lagu samaynayey cilmi-baadhis socotay muddo saddex sanno ah la xidhiidha amniga iyo maamul-wanaagga dawladaha qaaradda Afrika oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa.
Cilmi-baadhistan oo ay wadeen khubaro iyo aqoonyahanno tiradoodu dhawr iyo labaatan xubnood tahay oo ka kala socoday dalalka qaaradda Afrika, kuwaas oo qayb ka ahaayeen aqoonyahan u dhashay Somaliland, waxa diirrada lagu saarayey is-waafajinta habka dhaqanka qoomiyadaha Afrika iyo hannaanka dawladnimada casriga ah ee uu uga tagay gumaystihii reer galbeedku.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo hadal dheer ka jeediyey xidhitaankii shirkan, ayaa isbarbardhig ku sameeyey habka dawladnimada iyo dhaqanka bulshooyinka iyo kala duwanaanshaha u dhexeeya. Waxa kaloo uu xusay inay Somaliland sharaf wayn u tahay in shirka noocan ah lagu qabto oo weliba wax laga waydiiyo siday isku waafajisay hannaanka dawliga ah iyo dhaqankeeda.
Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Dr. Aadan Muuse Jibriil oo markii shirkaasi dhammaaday u warramay warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta lafagurka cilmi-baadhista noocan ah loogu qabtay Somaliland, waxaannu yidhi, “Cilmi-baadhistan waxa la doonayey in lagaga gun-gaadho, waatii gumaysigu qabsaday Afrika ee muddo ilaa boqol sanno ah uu haystay, markii uu tagayna qaabkii dawladnimada uu u dhisay ayey Afrika sii wadatay, iminka waxa la arkay in meel walba dagaal ka socdo ama is-qabad jiro, markaa aqoonyahankii Afrika oo iminka halkan ay innagala joogaan ilaa dhawr iyo labaatan qof waxa la ogaaday in qaabkii dawladnimadii aynu gumaystaha ka qaadanay aynu ku badhaxno dhaqankeennii Afrika ee hore ee ahaa xukunka lagu kala bixi jiray.”
“Markii Afrika sidaa loo eegay waxa la ogaaday in dawlad yar oo aan la aqoonsanayn oo la yidhaa Somaliland in ay iyadu qaabkaa samaysay (isku badhaxa dawladnimada iyo dhaqanka), in ay dawladnimada ku bilowday dadka odayaasha indheer-garadka ah, markaa Afirka Somaliland baa hoggaamiye u ah waddadaa isku dhafka labada dhaqan ah,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Dr. Aadan Muuse Jibriil.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post