X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Lagu Casuumay Shirka Ugu Weyn Adduunka Ee Lagaga Hadlayo Horumarinta Tamarta

Araweelo News Network

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil

Hargeysa (ANN) Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah loogu martiqaaday shirweyne caalami ah lagaga hadlayo horumarinta tamarta iyo korontada adduunka oo lagu qabanayo waddanka Hindiya.

Shirka caalamiga ee Somaliland lagu casuumay oo ah kii ugu weynaa noociisa ee lagaga hadlayo horumarinta iyo tayeynta tamarta adduunka, isla markaana ka qaybgalayaan in ka badan wufuud tiradoodu gaadhayso ilaa 2000 (laba kun) xubnood oo ka kala socda waddamada caalamka, waxa uu si rasmi ah uga furmayaa magaalada Vadodara ee dalka Hindiya, Jimcaha berri ee taariikhdu tahay 6 October 2016.

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo hoggaaminaya weftiga Jamhuuriyadda Somaliland uga qaybgalaya shirkaas, ayaa ka dhoofay Madaarka Hargeysa gelinkii dambe.
Wasiir Cabdiraxmaan oo khadka telefoonka Jamhuuriya kula soo xidhiidhay wax yar ka hor intii aanay weftigiisu ka duulin Madaarka Hargeysa gabbal-dhacii shalay, ayaa sheegay in weftiga Somaliland ee uu horkacayo oo martiqaad rasmi ah ka helay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee dawladda Hindiya ay ka qaybgalayaan shirweynaha ugu ballaadhan horumarinta tamarta adduunka oo ka furmaya magaalada Vadodara oo ka tirsan Gobolka Gujurat ee dalkaas.

“Waa markii ugu horreysay ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaybgasho shirweynaha horumarinta tamarta iyo korontada adduunka oo noqonaya kii ugu weynaa caalamka oo ay ka qaybgalayaan ergooyin ka badan 2000 qof oo ka kala socda dawladaha iyo shirkadaha tamarta ee waddamada dunida oo dhan, waxa soo qabanqaabisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee dalka Hindiya oo bixisay martiqaadka dhammaan ka-qaybgalayaasha. Runtii arrintaasi waa tallaabo guul weyn u ah guud ahaan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo horumarinta adeegyada tamarta iyo korontada,” ayuu yidhi Wasiirul-dawlaha Macdanta iyo Tamarta Somaliland.
Shirweynaha caalamiga ah ee horumarinta tamarta adduunka oo uu si rasmi ah u furi doono Ra’iisal-wasaaraha dalka Hindiya Mr. Narendra Modi’s, waxa muddada uu socon doono shan maalmood ah lagu falanqayn doonaa qoddobbo kala duwan oo la xidhiidha horumarinta ka-faa’iidaysiga tamarta iyo korontada
Xubnaha weftiga Somaliland uga qaybgalaya shirweynaha tamarta adduunka ee ka dhacaya dalka Hindiya oo lagu casuumay madax aad u tiro badan oo dalalka caalamka ka kala socda, waxa ay kala yihiin; Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo afar xubnood oo ah masuuliyiinta shirkadaha ugu waaweyn korontada ee ku yaal magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post