X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Lagu Casuumay Shir Lagaga Hadlayo AmMaanka Madaarrada Adduunka

Araweelo News Network

Wefdiga Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi oo ka dhoofaya Madaarka Hargeysa 13 Oct, 2015


London(ANN)Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu marti-qaaday shir caalami ah oo lagaga hadlayo ammaanka madaarrada diyaaradaha ee adduunka, kaasoo ka furmay magaalada London ee caasimadda Ingiriiska toddobaadkan.
Shirkan oo ay ka qaybgaleen madax iyo masuuliyiin ka socda 21 dal ku kala yaal qaaradaha Yurub, Afrika iyo Aasiya, waxa dhinaca Somaliland u metelayey Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee magaalada Hargeysa Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Wasiirka Gaadiidka Ingiriiska Md. Robert Goodwill oo shirkaas si rasmi ah u furay, ayaa sheegay in laga wadahadlayo arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka garoomada diyaaradaha ee adduunka, isla markaana la muujiyo feejignaan dheeraad ah oo khuseeya amniga iyo bad-qabka madaaradaha laga dhoofo ee caalamka, maadaama ay jiraan khataro badan oo halis ku ah amniga diyaaradaha iyo dadka rakaabka ah.
Muddada shirku socday, waxa lagu soo bandhigay warbixinno laga diyaariyey qaraxii fashilmay ee la doonayey in lagu soo rido diyaaradda Daallo Airlines bishii February 2016, iyadoo waqtigaas dad rakaab ah ka qaaday madaarka Muqdisho, waxa kaloo la soo bandhigay warbixin khusaysay weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Karachi, dalka Pakistan, iyadoo shirka ka qabsoomay Ingiriisku ku beegmay xilli la qarxiyey madaarka diyaaradaha ee dalka Belguim Salaasadii toddobaadkan.
Shirka lagu marti-qaaday Somaliland ee lagaga hadlay arrimaha ammaanka garoomada diyaaradaha ee adduunka oo socday muddo saddex maalmood ah, waxa kaloo lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa amniga madaarada adduunka.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post