X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Ka Hadashay Qaabka Salaada Ciida Loo Gudanayo

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka Iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Cali Koore Araweelo news Network May 20 2020

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay qaabka loo gudanayo Salaada  Ciida sidoo kalena go’aamo kasoo saartay maalmaha Ciida.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo wacyigelinta Somaliland, Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Saleebaan Cali Koore  oo xubin ka ah guddida heer qaran ee ka hor-ragga xannuunka COVID-19′ ayaa warbaahinta u akhriyay go’aamada laga soo saaray munaasibada ciida.

Go’aamada kasoo baxay gudidda heer qaran ee Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore akhriyay, ayaa u dhignA sidan: –

 

“Guddida heer qaran Covid19 ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii ay wada tashi la yeesheen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dhakhaatiir Khibrad durugsan u leh sida laysugu gudbiyo Xanuunka Covid19, waxa ay soo saareen Go’aamo.

Go’aamadan ay guddidu soo saartay waxaa lagu joojiyey Gabi ahaanba Isu soo bixii maalmaha Ciidda iyo Tukada Salaadda Ciidul-fidriga ee Masaajidada iyo Garoomada.

Sidoo Kale Waxaa lagu joojiyey Guud ahaanba Isu-socodka Gaadiiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay Ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

Waxaa la faray Mulkiilayaasha Garoomada iyo Goobaha Caruurtu Ku Ciyaarto inaan la furi karin si looga bad baado Xanuunka Covid19.

Waxaana la faray Dhammaan laamaha Ammaanka ee Dalka inay ku hawl galaan Ammaradan Guddida heer Qaran ee Covid19 JSL. Ayaa lagu qoraalka guddida.

Halkan ka Daawo Muuqaalka

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post