X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Ka Hadashay Markab Xoolo Ka Qaaday Dekedda Berbera Oo Dawladda Federaalku Diiday In Laga Dejiyo Sucuudiga

Wasiir Xasan Maxamed Gaafaadhi oo warbaahinta la hadlay,isagoo uu dhinac fadhiyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid.13 July 2019, Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Markab Xoolo loo waday Xajka ka qaaday Afar caana-maal ka hor  Dekedda Berbera oo weli ku xaniban Dekedda Sucuudiga ee Jiddaha. Kadib markii Dawladda Federaalka diiday in xoolahaa laga dejiyo Markabka, iyadoo ku dooday in aanu warqad fasax ah ka haysan.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Gaafaashi, oo arrimahaa warbaahinta kala hadlay, ayaa yidhi, “Afar maalmood ka hor ayaa Markab sida xoolaha ka dhoofay Berbera oo  kusii jeeday Dekedda Jida ee dalka Sucuudiga, wuxuu Markabku ku tegey ogolaanshaha Baanka Islaamka iyo ganacsatadii carbeed ee xoolaha qaadan jiray ee Xajka, markii ay dawladda Muqdisho ka war heshay Markabkaa xoolaha sidaa inuu Berbera ka dhoofay, waxa la qaaday duulaan ballaadhan, wasiirka Xoolaha ee dawladda Soomaaliya, ayaa ka dhoofay Mauqdisho oo Sucuudiga tegey, wuxuuna Wasiirka Soomaaliya lasoo hadlay ganacsatada Berbera ee xoolaha dhoofisa, isagoo sheegaya in aan xoolo aan sidan Warqada dawladda Muqdisho sidan ka degi doonin Jidda.” Ayuu yidhi, Wasiir Xasan Maxamed Gaafaadhi oo warbaahinta la hadlay maanta, isagoo uu dhinac fadhiyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid.

Gaafaadhi, wuxuu intaa ku daray in weli xaalada Markabku taagan tahay, isla markaana ay weli is haystaan Ganacsatadii Xoolaha ee Carbeed, Baanka Islaamka ee xoolaha qaata Xajka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya oo doonaysa in Markabka iyo xoolaha saaran lagu soo celiyo Bernera.

“Waxaan cid walba u sheegaynaa in xoolaha Somaliland aan lagaga dhoofin karin Berbera, warqad Xamar laga soo qaatay, sidoo kale ma ogolaanayno in xoolaha Somaliland , sidoo kale haddii xoolo la mariyo xadka Somaliland ee Djibouti, Lawyacado iyo Wajaale, waxa la marinayaa wixii sharci ah ee la marinayo xoolaha ka dhoofaya Dekedda Berbera, lamana soo celin karo haddii ay xadka ka gudbaan oo waxaan u aqoonsanaynaa xoolo dhoofay oo ka baxay dalka.” Ayuu yidhi, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Somaliland, Mr. Xasan Gaafaadhi.

Dhinaca kale Xukuumadda Sucuudiga, ayaa dhowaan sheegtay in aanay aqbalayn xoolo aan warqad kasoo qaadan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya xiliga Xajka, balse Xukuumadda Somaliland, ayaa markaa kadib sheegtay in ay la xidhiidheen Dawladda Sucuudiga oo ay arrintaa kala hadleen, isla markaana ay aqbaleen in Xoolaha Somaliland aan lagu xidhin shuruudaa oo ay sidoodii uga dhoofaan dekedda Berbera.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post