X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Ka Hadashay Ciqaabta Ay Waajahayaan Dadka Ka Qaybgala Baarlamaanka Soomaaliya

Araweelo News Network

 

Golaha Wasiirada oo ka dooday Qaabka Wada-marista Somaliland

Hargeysa(ANN)- Golaha Wasiirada Somaliland, ayaa dood ka yeeshay dhawaaqa Villa Soamlia ee metelaada xildhibaanada loo qorsheeyay Somaliland ee la qorsheeyay in ay qayb ka noqdaan Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana la go’aamiyay in ciddii qaadata xubnahaa ay mudanayaan ciqaab.

Shirka Golaha wasiirada Somaliland, ayaa sidoo kale ka dooday qaabka wada-marista ee wadooyinka Somaliland, iwaxa kale kulankaa warbixin dhanka amniga ah lagaga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland,

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay shirka golaha Wasiirada Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Qoraal saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:-

“Fadhigii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video-Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

  • War-murtiyeed 

Arrinka ka soo yeedhay muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland.

Horeba Soomaaliya way u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda.

Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been-abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.

  • Amniga

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabadgelyo ee dalka.

  • Xeerka gaadiidka iyo waddo marista.

Goluhu wuxuu dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay waxka bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo waddo marista oo horyaalay golaha, waxaana qodob-qodob looga dooday xeerkaas oo ahmiyad weyn u leh qaranka.

Sidoo kale waxa goluhu dood ka yeeshay dhibaatooyinka iyo shilalka ay dadka iyo dalka ku hayaan gaadiidka aan waafaqsanayn haadka iyo waddo marista iyo gaadiidka yaryar ee ku soo badanaya wadanka,  isla markaana cidhiidhiga ku haya isu-socodka, iyadoo goluhu fadhiyada danbe ka soo saari doono go’aamo lagu xadidayo gaadiidkaas la iskuna waafajinayo haadka baabuurta iyo wadooyinka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post