X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Heeggan Buuxa La Geliyay Ciidanka Dabka Iyo Khataraha Kale Ka Badbaadiya Bulshada

Hargeysa(ANN)- Ciidanka Dab-demiska Somaliland iyo dhammaan Talisyadooda gobolada iyo Degmooyinka dalka, ayaa saacadihii u dambeeyay heegan buuxa ka galay sidii loola socon lahaa Roobabka dabaylaha wata oo maalmihii u dambeeyay la saadaalinayay inay kusoo waajahan yihiin guud ahaan Gobolada Somaliland.

Taliska Ciidanka Dab-damaiska, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network.

Qoraalka, ayaa lagu xusay in iyadoo laga duulayo digniinaha ay faafisay Hay’adda ka hortagga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka (NADFOR)

Somaliland Oo Heeggan Buuxa La Geliyay Ciidanka Dabka Iyo Khataraha Kale Ka Badbaadiya Bulshada, 4 Nov 2019 Hargeysa. Araweelo News Network.

Digniinaha ayaa lagu sheegay in la saadaalinayo in oo la filayo in muddo todobaad ah ay socdaan Roobabkaasi sida ay sheegeen hay’addaha Saadaasha ee Geeska Afrika iyo kuwa caalamiga ah, Roobabkaas oo badi ku soo beegan dhulka Xeebaha Somaliland, isla markaana laga cabsi qabo inay khasaare geystaaan.

Dhinaca kale waxa lagu sheegay kasoo baxay xafiiska Ciidanka Dab-damiska Somaliland in durba saacadihii lasoo dhaafay roobabku ka curteen deegamada Somaliland qaarkood, kuwaas oo aan ilaa hada lasoo dheegin inay geysteen wax khasaare ah.

ayaa ilaa hadda ka da’ay Goobo ka mida Somaliland kuwaasoo aan keenin khasaare, sidoo kalena Magaalooyinka kalena Daruuruhu ay isa soo qabsadeen.

Magaalada Xeebta ah ee Berbera iyo deegaamo kale ayaa laga soo sheegayaa roobabka, kuwaas oo dhanka Buuralayda magaalada Berbera kaga soo celiyay Biyo, walaw aanay wax khasaare ah geysan, isla markaana ay Maamulka Dawladda Hoose iyo gobolku ka hawlgaleen.

Fariimo Digniin ah oo Ciidanka Dab-dabdamisku u diray deegaamada laga soo sheego dhiillada iyo Samatabixinaha, waxaana shacbiga Somaliland lagu booriyay inay ka digtoonaadaan kana fogaadaan goobaha Dooxyada iyo Laagaha.

Sidoo kale, waxaa looga digay Darawalada Gaadiidka, inaanay rakaabka iyo Nafohooda iyo hantidooda halis ku gelin goobaha khataraha ah ee dooxyada ee halistu ka iman karto.

Somaliland Fire Brigade and Rescue Service
Hargeisa/Somaliland
990 Emergency Call
Somalilandfire@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post