X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Guddi Xanbaarsan Taakulo Boqolaal Ku Oo Dollar Ah U Dirtay Soomaaliya


Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Wefdi ah u dirtay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sida in ka badan lix boqol oo kun oo dollar ($600,000) oo ay ugu talo-galeen fatahaadihii sannadkan ku dhuftay magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, jamaal Caydiid iyo Sheekh Maxamed Cali Geeddi, Araweelo News Network, 20 Desember 2019.

Wefdiga oo maanta ka dhoofay Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, ayaa warbaahinta la hadlay waxayna ka warameen Lacagta Taakulada ah ee ay geynaayaan Soomaaliya.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid, ayaa sheegay inay muddo Bil iyo Badh ah ay wadeen hawsha Ururinta Taakulaynta Bulshada Beledweyne ee dhowaan ay wayeelada gaadhsiiyeen Fataahada Webigu.
Jamaal Caydiid oo hoggaaminayaa guddidaa oo ay xubno ka yihiin Culamada Somaliland, wuxuu sheegay inay marka hore tegeyaan Magaalada Muqdisho, kadibna ay dhinca Magaalada Beledweyne u gudbinayaan caawimada ay sidaan, wuxuuna u mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland, ganacsatada iyo Culimada Masaajidada oo uu sheegay inay qayb weyn ka qaateen sidii Takuladaa loo soo ururin lahaa.


“Soomaalidu meel walba ay joogto waysu gurnataa marka dhibaato dhacdo, horay inoogu soo gurnadeen inaguna aynu ugu gurmanay, Beledweyne waa markii labaad ee Somaliland gacan ka geysato, markii horeba Soomaaliya oo dhan ayaan u gurmanay, iyaguna way noo yimaadeen markii masiibooyinku inagu dhaceen. Maanta aduunka aanu sidnaa waa ($600,000) Lix Boqol oo kun oo Dollar, wax naga sii horeeyayna way jireen, intan aanu la daahnayna waa khayr, waxaana Allah ka baryaynaa sadaqadaa aynu isa siinayno in Allah inagaga xijaabo masiibooyinka dunida ka dhacaya.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, jamaal Caydiid oo hoggaaminaya guddidaa.


Sidoo kale, waxa hadal kooban halkaa ka jeediyay Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ah Culimada Somaliland ee qaybta ka ah guddidaa qaaday Taakulaynta, wuxuuna uga mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay sidii taakuladaa loo soo ururun lahaa, wuxuuna Allah uga baryay in quluubta dadka uu isu soo jeediyo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post