X

Somaliland Oo Fulisay Dil Qisaas Ah Iyo Qof Tiirka Laga Furay Daqiiqado Ka Hor

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumada  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fulisay dil qisaas ah oo lagu fuliyay Afar qof oo xukun dil ah ku dhacay, balse qof ka mid ahaa shanta qof ee tiirka lagu xidhay si loogu fuliyo qisaasta, ayaa tiirka laga furay dadiidaqo ka hor intii aan la fulin toogashada.

Qofka laga furay tiirka ayaa lagu sii daayay ogolaansho ka yimi qoyska loogu fulinayay qisaasta oo goobta joogay, waxaana lagu fuliyay qosaasta toogashada Afarta qof ee kale, kuwaas oo xukun maxkamadeed oo dil ah ku dhacay, iyadoo loo haystay dilal.

Toogashada Afarta qof ee lagu fuliyay qisaasta oo ka dhacday Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil, isla markaana  qiyaastii 90 km dhinaca bari kaga began Caasimadda Hargeysa, waxaana ka mid ahaa Afarta qof ee qisaasta lagu fuliyay Gaashaanle Dhexe Saalax Bullaale Jaamac, oo ka mid ahaa garsooyaasha Maxkamadda ciidanka, isagoo ku eedaysnaa inuu 3 May Hargaysa ku dilay gabadh lagu magacaabi jiray Najma Cabdullaahi Maykal. Sidaana Maxkamadu ugu riday xukun dil  oo qisaas ah.

Qaar ka mid ah Ehelada iyo qoyska sarkaalka ka mid ahaa Afarta qof ee qisaasta lagu fuliyay, Gaashaanle Dhexe Saalax Bullaale Jaamac, oo markii la fuliyay qosaasta la hadlay warbaahinta ayaa ku canbaareeyay xukuumadda Madaxweyne Biixi in la dedejiyay qisaasta sarkaalkaa oo ay sheegeen inuu ahaa nin aan xaaladiisa caafimaad wanaagsanayn marka uu dilka geystay, sidaa awgeed waxay ku doodeen in loo baahnaa in la mariyo baadhitaan caafimaad, isla markaana la sugo wadahadal u socday qoyska marxuumada loo qisaasay.

Inta baddan xukunada qisaasta ayaa ah kuwo aan la fulin, iyadoo ay xabsiyada ku jiraan dad baddan oo lagu xukumay in loo qisaaso dadkii ay dileen, waxayna qisaasta la fuliyay noqonaysaa qisaastii labaad ee xukuumada Somaliland fuliso sannadkan gudihiisa, iyadoo 4 askari oo dilal gaystay hore qisaas loogu fuliyay 16, February, 2022.

Somaliland ayaa marar baddan kala kulantay canbaarayn kaga timaada dalalka reer galbeedka marka ay sidan oo kale fuliso dilalka qisaasta, taas oo keentay in aannay inta baddan ku dhiiran in la fuliyo dilka qisaasta oo shareecada Islaamku waajibisay in la fuliyo xukunada dilka qosaasta ah, haddii aannay qoyska iyo eheladu aqbalin in ay qaataan diyo (Mag) ama saamaxaan, sida ay shareecada Islaamku qabto.

Dhinaca kale, in baddan oo ka mid ah Bulshada ayaa marar kala duwan xukuumadda ugu baaqday in la fuliyo dilalka qisaasta, iyagoo ku doodaya in xabsiyada ay ka buuxaan dadka xukunada dilka ee qisaasta lagu xukumay, taas oo ay ku tilmaameen mid wax weyn ka taray dilalka sii kordhaya, isla markaana waxay ku doodayaan in fulinta qisaastu wax weyn ka taray dhibaatooyinka abaaraha iyo collaadaha soo noq noqda, isla markaana xagga illaahay naxariis laga helayo, marka la fuliyo xukunka Allah.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post