Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab digniin iyo baaq isugu jira ka bixisay qorshaha maamulka Xamar ku darsaday ee la xidhiidha doorashooyinka Soomaaliya ee sannadkan 2016.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay, waxa uu faahfaahiyey mowqifka Somaliland qodobka lagu daray natiijada shirkii wadatashiga Soomaaliya ee la shaaciyey maalintii Salaasaddii ee toddobaadkan, waxaannu si adag u sheegay in aanay Somaliland marnaba hore iyo dib toona ka mid ahayn midnimada dalka Soomaaliya iyo hannaankiisa doorashaba, isla markaana ay rubuc-qarnigii u dambeeyey ahayd jamhuuriyad madaxbannaan oo dib ula soo noqotay xarnimadeedii.
Md. Cismaan Caddaani oo qoraal qodobaysan ka akhriyey shirkiisa jaraa’id, waxa baaqyo u kala diray beesha caalamka iyo dadka muwaadiniinta reer Somaliland ah, waxaannu yidhi, “Jamhuuriyadda Somaliland waxay u caddaynaysaa dhammaan ururrada kala ah; Qarammada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGED, dawladda Maraykanka iyo guud ahaanba beesha caalamka qodobadan soo socda:
· In aanay jirin wax la yidhaa midnimada Soomaaliya oo Somaliland qayb ka tahay, isla markaana ay horeba u diiday Somaliland 1961-kii aftidii loo qaaday ansixinta dastuurkii midnimada, sidoo kalena aanay Jamhuuriyadda Somaliland marnaba qayb ka noqon arrimaha Soomaaliya rubuc-qarnigii ugu dambeeyey.
· Waxa sidoo kale aannu u caddaynaynaa in Soomaaliya ay jabisay heshiiskii goob-joogga ka ahaayeen beesha caalamku ee dhigayey in loo wadahadlo Soomaaliya iyo Somaliland ee lagaga wadahadlayey masiirka Jamhuuriyadda Somaliland oo mar horeba ay goosatay oo ummaddeeduna ku taageertay afti 97%.
· Jamhuuriyadda Somaliland marnaba kamay mid noqon shirarka wada-tashi ee Soomaaliya kan hadda u dambeeyey iyo kuwo kale toona, mana jirto cid ku matali karta magaca Jamhuuriyadda Somaliland shirarkaasi ha aado madaxdhaqameed, siyaasi ama meeqaam kale toona.
· Aayo-ka-talinta masiirka Jamhuuriyadda Somaliland waxa masuul ka ah oo u xilsaaran dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo horeba u caddaysay mowqifka madaxbannaanida iyo jiritaanka qaranimada Somaliland oo lagu ansixiyey afti dadweyne, waxaanna dawladdaasi gadh-wadeen ka ah Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.”
Dhinaca kale, waxa uu digniin u diray madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku hoggaansama qorshaha maamulka Xamar samaystay, “Waxaannu ka waaninaynaa oo uga digaynaa inay arrintaa ka waantoobaan, waa dambi qaran oo sharciguna aannu u naxariisan doonin. Qaranimada Somaliland waa lagu soo duulay, waxaanay u eegtahay in dawladda Xamar ka maamusha Madaxtooyada oo keliya ee aan meel kale xukumin inay ku tashatay waxyeellaynta dawladda iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanidiisa iyo jiritaankiisa waxyeelayso, markaa waxaannu u sheegaynaa dadka reer Somaliland ee halkaa joogaa in aanay qayb ka noqon arrintaasi,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Wasiir Caddaani.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347