X
    Categories: Warar

Somaliland: Olole Lagu Tallaalayo Xoolo Tiradoodu Gaadhayso Laba Bilyan Neef oo ka Bilaabmay Dalka

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Olole lagu tallaalayo xoolaha nool oo tiradoodu gaadhayso laba bilyan oo neef d, ayaa ka bilaabmay gobollada iyo degaannada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo saraakiil ka socday hay’adda FAO oo iyadu ka caawinaysa tallaalkan wasaaradda, ayaa ka hadlay ujeeddada hawlgalkaas oo soconaya muddo bil ah, isla markaana kooxaha fulinaya si rasmi ah loo kala diray.
Wasiir Cukuse oo warbaahinta kula hadlayey goobta lagu kala dirayey kooxaha caafimaadka, waxa uu yidhi; “Tallaalkan ujeeddadiisu waxa weeye in xoolaha baartu waxyeelaysay ee xannuunada ka qaadi kara nafaqo-darrada ku dhacday ee u nuglaan kara roobka innagoo Ilaahay ka baryeyna in roobkii inoo da’o, iyadoo xoolaha inta yar ee ka soo hadhay abaartu noqon karta mid ku dhimata roobka nafaqo-darro darteed.
Kooxaha tallaalkan fulin doonaa waxay shaqayn doonaan muddo soddon casho oo xidhiidh ah, waxaanay u baxayaan gobollada dalka oo dhan. inkastoo wasaaraddu marar hore oo badan ay soo wareegaysay muddo shan bilood ah oo ay caafimaadka xoolaha wax ka qabanaysay intii awooddeeda ah, kanna wuxuu noqonayaa tallaalkii ugu ballaadhnaa oo leh laba ujeeddo oo kala ah; in neefka xoolaha ee u nuglaaday xannuunada qanniinka dusha ah iyo kuwa jeermiska gudaha ah labadaaba lagala dagaallamo iyo inuu yahay fursad aynu uga faa’iidaysanayno in aynu xaqiijinno caafimaadka xoolaheenna xannuunnada jiri kara ama kuwa aan jirin ee la innagu hafro oo qaarkood sababeen in dhoofkii xoolihii noolaa laga innaga joojiyo, markaa kooxaha caafimaadka waxa la doonayaa inaad si sugan u soo buuxisaan waraaqaha. Haddii muddada la idiin dhiibay iyo waxa ku qoran foomkaasi ka dib dhacdo waxa inoo ballan ah in cidda sidaasi samaysa aynu u fahamno koox aan masuul ahayn.”
Sarkaal sare oo ka socday hay’adda FAO, ayaa isna sheegay in tallaalkan la gaadhsiin doono xoolo tiradoodu gaadhayso laba bilyan oo xoolo nool ah, “Talaalkani waa wejiga kowaad ee aannu xilligan ka fulinayno Somaliland, waxaannuna bartilmaamadsanaynaa ilaa laba bilyan oo neef oo laga daweeyo xannuunada ku dhaca xoolaha, wejiga labaad ee tallaalkuna waxa laga yaabaa inuu bilaabmo bisha May, iyadoo ku xidhan warbixinta aannu ka helno idinka,” ayuu yidhi sarkaalku

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post