X

Somaliland Noqonmayso Dal Dastuurkiisa Sida Gabaldayaha Marba Dhinac Loo Jeediyo, Dalkuna Saddex Xisbi Uma Xidhnaanayo”

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Mujaahidiin iyo Odayaal la baxay Ururka Somaliland-jire, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Biixi in ay baalmartay dastuurka dalka iyo shuruucdii dalka u taalay, isla markaana Dastuurka Dalka laga dhigay sida Geedka Gabaldayaha ee marba dhinac loo jeediyo.

Kooxda Mujaahidinta iyo Odayaasha la baxay Somaliland-jire, waxay sheegeen in aannay Somaliland oo soddon sannadood dunida la raadinaysay aqoonsi sidan kusii soocon karin, waxa kale oo ay xukuumadda ku eedeeyeen in aannay ka jawaabin sheegashada kooxda muqdisho ee Villa Somalia maalin walba ku sheegato Somaliland.

“Saddexda Xisbi way ka aradan yihiin dimuqraadiyada, KulmiyenaProf. Ismail Hurreh Buubaa

Sidoo kale, waxay ka hadleen xeerka dhowaan Madaxweyne Biixi kusoo celiyay gollaha Wakiillada, waxayna ku tilaameen arrintaa mid sharcidaro ah, isla markaana waxay tilaamameen baahida loo qabo in la helo saaxad dimuqraadi ah iyo tartanka ururada siyaasada oo aan loo baahnayn in dalku u xidhaando saddex xsibi.

Mujaahidiinta iyo Odayaasha oo warbaahinta qaarkood kula hadlay shalay Magaaladda Hargeysa, waxay sidoo kale dhaliil dusha u saareen axsaabata mucaaradka oo ay ku tilamaameen kuwo gabay kaalintoodii.

Muuqaalka arrimahaa iyo kuwo kale ay kaga hadleen Halkan Ka Daawo AraweeloTV.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post