X
    Categories: Warar

Somaliland: Natiijada Imtixaanaadka Oo La Shaaciyay

Wasiirka wasaaradda waxbarshada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Guddoomiyaha guddida imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax , Araweelo News Network, 10 August 2020.

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ayaa shaaciyay Imtixaanaadka shahaadig ah ee sannad dugsiyeedka 2019/2020, oo sannadkan ay ku xeernaayeen duruufaha xannuunka saamaynta ku yeeshay dunida ee COVOD-19.

Xaflad kooban oo lagu qabtay Xarunta xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland ee Hargeysa oo ay goob joog ahaayeen masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland iyo maamulka xafiiska Imtixaanaadka qaranka oo lagu shaaciyay natiijada Imtixaanaadka, waxa ka hadlay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda waxbarashadda oo faahfaahin ka bixiyay tiro koob lagu sameeyay guud ahaan aradayda wax ka barta dugsiyada dalka si loo helo xogtooda oo dhamaystiran.

Guddoomiyaha guddida imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa si rasmiya u shaaciyay natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiga sare waxaanu sheegay in aanay sanadkan jirin wax arday ah oo imtixaanka ka dhacay iyada oo ardayda ugu sareeyay kaalamaha waxbarashada ay galeen gobolada Togdheer, Awdal iyo Saaxil, iyadoo 357, ka mid ahaa Ardayda u fadhiisatay Imtixaanaadka ay keeneen derejada A.

 

Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa ka hadlay dedaalka ay wasaaraddu ugu jirto tayaynta waxbarashadda qaranka.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa wasaaradda waxbarashadda Somaliland ku taageeray tiro koobka iyo hubinta macalimiinta wax ka dhiga Somaliland.

Gebegebadii waxa munaaasibada lagu shaaciyay natiijada Imtixaanaadka ka hdlay wasiirka wasaaradda waxbarshada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), wuxuuna sheegay in wasaaraddu hubisay oo tiro koob ku samaysay deegaanada u baahan goobo wax barasho wakhtiga dhawna ay bilaabi doonaan sida ay u kala mudanyihiin.

READ: Somaliland Oo Markii U Horraysay Kharashka Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee 2019/2020 Dusha U Ridatay

Wasiirka, ayaa ku amaanay guddoomiyayaasha gobolada dalka ee wasaaradda sida ay uga qayb qaateen tirakoobka la sameeyay iyo Imtixaanka shahaadig ah ee snnad dugsiyeedka 2019/2020, walaw imtixaanadii hore uu kaga duwan in aradaydii u fadhiistay imtixaanka sannadkan oo aanay jirin cid dhacday, iyadoo weliba ay jireen duruufaha uu sababay xannuunka COVOD-19, ee saamaynta ku yeeshay waxbarashadda, taas oo keentay in la fasaxo Ardayda, balse waxa jiray in dhinaca warbaahinta loo marinayay casharada iyagoo ku sugan guyohooda.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post