X

Somaliland Natiijada Imtixaanaadka Oo La Shaaciyay, Tirooyinka Ardayda Gudubtay Iyo Kuwa Dhacay

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ayaa shaaciyay Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee Dugsiyadda Dhexe iyo fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare oo ay Ardaydii ugu badnayd ka qabybgaleen.

 

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka ee Somaliland Daa’uud Faarax oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey natiijooyinka Imtixaanka Shahaadiga ah ee loo fadhiistay Jun 2021.

 

Imtixaanaadka, waxa u fadhiistay 32, 849 Arday oo isugu jira 19, 175, Wiilal ah iyo 13, 674 Hablood, oo ka kala socday fasalka 8aad ee Dugsiyadda Dhexe iyo fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare ee dalka, isla markaana ah Dugsiyada Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan

Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax oo natiijada imtixaanka ku shaaciyey shir-jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay inay fasallada 8aad imtixaanka u fadhiisteen 21,168 arday oo  ay gudbeen 20,009 Arday, halka 850 Arday dhaceen, taas oo ka dhigan in boqolkiiba 95 Ardaydu guulaysteen.

Laxidhiidha: Ardaydii Ugu Badnayd Oo Sannadkan U Fadhisitay Imtixaanaadka Shahaadiga

Sidoo kale, guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud, ayaa sheegay inay guulaysteen ama ku gudbeen 31,645 Arday halka 1,112 Arday imtixaanka ku dhaceen.

”Dugsiyada Sare tirada guud imtaxaanka waxa u fadhiistay 11,589 Arday, tirada dhacday waa 262, oo u dhiganta 2.28%, halkaa waxa laga fahmi karaa in Ardaydu dadaal muujiyeen waayo tirada dhacday aad bay u yar tahay marka loo eego sannadihii ka horeeyay”.ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post