Araweelo News Network.
#Natiijada sdia kuraasta #Gebilay saddexda Xisbi ugu kala guulaysteen waxay si weyn saamayn ugu yeelanay #kuraasta gollaha wakiillada ee #Maroodijeex
Hargeysa(ANN)-Natiijada Gollaha Deegaanka ee Gebilay ayaa la shaaciyay caawa saqdii dhexe, kadib markii lagu dhawaaqay natiijooyinka heer gobol iyo degmo marka laga reebo degmada Gebilay iyo Gobolka Maroodijeex oo si weyn loogu dhegtaagayay labadii habeen ee u danbeeyay.
Xisbiyada Mucaaradka ayaa qaatay kuraasta ugu badan ee gollaha Deegaanka sida ka dhacday degmooyinka iyo gobollada la shaaciyay gollayaasha deegaanka wakiillada oo ay xilligan gollaha wakiillada ee Maroodijeex keliya baaqi ka yihiin natiijada doorashooyinka 31 May 2021, codbixntooda loo dareeyay.
#Codadka Guud , #Magacyada #Xidlhibaanada Iyo Tirooyinka
Guddida heer degmo ee Doorashooyinka Gebilay, ayaa caawa saqdii dhexe shaaciyay natiijada sida weyn loo sugayay, waxayna ku dhawaaqeen in 13 kursi oo deegaanka gebilay ah loo kala helay sidan KULMIYE, 5 xubnood, UCID 4 xubnood, halka WADDANI 4 xubnood helay.
Xisbiga UCID 4 xubnood ayuu ka helay Gollaha Deegaanka Gebilay 17, 059 cod, 17, 111 codadka wadarta guud ee murrashaxiinta.
Dr . Cali Muxumed Xsan Caynaan 2,208 cod
Cabdirashiid Haybe Faarax Nuur 2,184 cod
Eng. Maxamed Dayib Cabdullaahi, 2, 114 cod
Caydaruus Maxamed Sheekh 1,490 cod
Xisbiga KULMIYE codadka wadarta guud ee murrashxaxiinta 23, 202 , wadarta gaar ee xisbiga 23 258
1-Maxamed Amiin 4, 773 cod
2-Mursal Maxamed Jaamac Suldaan 2, 647 cod
3- Axmed Cabdullaahi Khaliif Qawdhan 2, 350 cod
4-Cabdiraxmaan Nuur Abokor 1,876 cod
5- Axmed Maxamed Axmed Ciisood 1,576 cod
WADANI Wadarta Murrashaxiinta 14, 779, wadarta codadka guud 14, 812
Xisbiga Gollaha Deegaanka Degmada Gebilay 4 xunood
Cabdullaahi Ismaaciil Cabdi Aadan 1,845 cod
Cabdi Cali Xirsi Cige 1,818
Khaalid Maxamed Isamaciil Hoori 1, 680 cod
Cabdinaasir Haaruun habane 1, 658 cod
Natiijooyinka weli laalan ee gollaha wakiillada ee Maroodijeex waxaana la filayaa in lasoo saaro ilaa caawa, ama saacadaha soo socda. Kala soco shebekadda Araweelo Nerws Network oo u dhegtaag.
Fadalan haddii la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
instagram@araweelonews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com