X

Somaliland: Natiijada Doorashooyinka Oo Si Habaqle Ah Loo Shaaciyay Degmooyinka Qaarkood Iyo Sababta Dib U Dhaca

Araweelo News Network.

#Somaliland: #Natiijada #Sool, #Taleex  Buuhoodle iyo Sheekh, 23 Degmo Oo 14 Ka Mid ah laalaan yIhiin

#Hargeysa(ANN)-#Natiijooyinka Doorashooyinka ka qabsoomay 31 May 2021, ayaa weli laalan, iyadoo ay Magaalooyinka waaweyn ka socdaan hubinta iyo tirinta codadka, iyadoo si teel teel ah loogu dhawaaqay 8 Degmo Doorasho.

Shan ka mid ah Degmooyinkaa ayaa caawa fiidkii si habaqle ah loo shaaciyay, kuwaas oo kala ahaa,  Lughaya, Saylac, Gar-adag, Xudun iyo Saalxley.oo ka mid ah 23 Degmo,

 

Hase yeeshee caawa ayay mar kale Guddida Doorashooyinka heer Degmo ee Taleex, Laascaanood iyo Sheekh, kuwaas oo la shaaciyay sida loo kala helay, kuraasta gollayaasha deegaanka,

Hase yeeshee Degmooyinka Laascaanod, Sheekh, Buuhoodle iyo Taleex, waxayna xisbiyadu u kala heleen gollayaasha deegaanka degmooyinkaa, Degmada Sool Xisbiga WADDANI, 5, KULMIYE, 5, UCID, 3 golle deegaan.

Degmada Buuhoodle,  sida uu sheeciyay guddoomiyaha Degmo Doorasho ee Komishanka, ayaa shaaciyay in 11 Kursi look ala helay sidan, Xisbiga UCID, 2,  KULMIYE, 4, WADDANI 5. Halka Degmada Sheekh oo iyadana lagu dhawaaqay kuraasta gollaha deegaanka iyo sida ay saddexda Xisbsi u kala heleen sidan:

Xisbiga KULMIYE, 3 WADDANi, 3 UCID, 3, waxayna Degmada Sheekh noqotay mid ay kuraasta qaybsadeen saddexda Xisbi.

Sidoo kale, Degmada Taleex, Xsibiga KULMIYE, 6, WADDANI, 3, Xisbiga UCID, ma jirin xildhibaano uu ka helay Degmada Taleex gollayaasha Deegaanka.

Dhinaca kale, Degmooyinka waaweyn ee dalka iyo guud ahaan 15 Degmo Doorasho ayaa la sugayaa natiijooyinka hordhaca ah, kuwaas oo la filayo in saacadaha soo socda la shaaciyo qaarkood. wallow saraakiisha Doorashooyinku ku doodayaan sababta dib u dhaca in ay jiraan duruufo kala duwan oo deegamada sanaaduuqda qaarkood ay xanibeen roobab ka da’ay deegaamada qaarkood iyo gaadiidka oo meelaha qaar xilligii la doonayay aan soo xerayn sanaaduuqda, sidaa awgeed ay ku jiraan Tirinta iyo hubinta sanaaduuqda.

Wakiiillada ka socda Saddexda Xisbi iyo Guddida Doorashooyinka ee heer Degmo iyo Gobol ayaa ku hawlan sidii natiijada hordhaca loo shaacin lahaa, iyadoo si weyn loogu dhegtaagayo natiijooyinka doorashooyinka oo marka hore loogu dhawaaqayo Degmo Doorasho, iyadoo markaa kadib heer gobol loo shaacinayo xildhibaanada gollaha Wakiillada ee ku guulaysta doorashada heer gobol si ku meel gaadh ah iyo sida ay axsaabtu u kala heleen.

Follow us Twitter@Araweelonews

Like Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post