X

Somaliland: Murrashaxa Xisbiga WADDANI Oo Canbaareeyay Sarkaal Xisbiga Ka Tirsan Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay Agaasimihii Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan.

Agaasimaha Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Ibraahin Cartan, Image Araweelo News Network, 22 Oct, 2022.

Sarkaalka Xisbiga WADDANI, ayaan la ogayn sababta loo xidhay, balse ciidanka Booliska ayaa saaka ka kaxeeyay xarunta Xisbiga ee WADDANI ee Magaaladda Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland, ayaan wax war ah kasoo saarin xadhiga sarkaalkaa, balse waxa Xadhigiisa si adag uga hadlay Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo ugu baaqay Xukuumadda in si deg deg ah xoriyadiisa loogu celiyo.

Qoraal kooban oo murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro kaga hadlay xadhiga sarkaalkaa, wuxuuna ku yidhi, qoraalkaa oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook, isagoo yidhi, “ Waxa aan si adag u cambaaraynayaa Xadhigga qayrul sharciga ah ee maanta lagula kacay Agaasimaha Guud ee Xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahin Cartan oo la xidhay isaga oo ku guda-jira howl-maalmeedkiisii shaqo, Agaasimuhu waa in uu degdeg u helaa xorriyaddiisa.” Ayuu ku yidhi, qoraalkiisa.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post