X

Somaliland: Munaasibad Dhaqaale LooguYaboohay Dugsiga Caruurta Baahiyaha Gaarka Qaba

Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).Araweelo News Network 11March 2020.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Munaasibad dhaqaalle loogu yaboohayay Iskuulka Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba (Hargeisa Children Learining Center), ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibada oo ay ka qaybgaleen wasiiro ka socda xukuumadda, Maayarka Berbera iyo ashkhaas kale, waxa lagaga dhawaaqay lacago qaadhaan ah oo ay ku yabooheen masuuliyiinta ka qaybgalay iyo dhul loogu deeqay in looga dhiso goobo waxbarasho caruurtaa.

Marwo Khadra Cigaal oo aasaasaha Iskuulka ah, ayaa sharaxaad ka bixisay dhibaatooyinka caruurta Somaliland ee baahiyaha gaarka ah qaba haysta iyo marxaladihii uu soo maray Iskuulku muddadii uu jiray.

Sidoo kale, Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo ka mid ah aasaasayaasha iskuulka ee la socda xaaladda iyo duruufaha mar walba ka jira Iskuulka, ayaa ka waramay dhibaatooyinka caruurta sidan oo kale baahiyaha gaarka ah qaba, wuxuuna xusay in qaarkood ay isugu jiraan, kuwa kasoo jeeda qoys sabool ah oo danyar ah, ay u dheertahay agoonimo iyo rajanimo, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in hoos loo eego.

Sarkaal  ka socday wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, ayaa madasha ka sheegay in ay ku deeqeen Caruurtaa dhul sharciyaysan si Iskuul looga dhiso.

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)  oo ka qaybgalay munaasibad caruurta Iskuulka loo qabtay March 2020, ayaa xilligaa ka balanqaaday in wasaaraddu ugu deeqday dhul, balse lama ogga halka uu ku danbeeyay balanqaadkaa hore ee wasiirka.

Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyaynta Cabdullaahi Abokor, ayaa dhankiisa madasha ka sheegay in ay dhul Block ah siinayaan caruurta, wuxuna xusay in ay ka bixinayaan danta guud  oo weliba goob munaasib ah looga qorshaynayo.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa madasha kaga yaboohay lacag dhan $ 5,000 (shan kun oo dollar),  lacagtaa wuxuu sheegay in wasaaraddu bixinay.

Mr. Gaafaadhi,  ayaa sheegay in uu si shaqsiyan ah sanad walba bixinayo lacag  dhan $ 1,200 (kun iyo laba boqol o dollar), taas sida uu sheegay laba jeer kala bixinayo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post