X

Somaliland: Munaasibadda Daah-furka Qalabka Xakamaynta Shucaaca Taawaradda Isgaadhsiinta iyo Maamulka Hirarka

Araweelo News Network

“Qalabku, Wuxuu Wax Ka Tarayaa Cabashadii bulshadda ee shucaaca Taawaradda”Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi,

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa hirgelisay adeeg casriya oo lagula soconayo Hirarka, ama Mawjaddaha Hawadda ee Isgaadhsiinta, isla markaana wax ka taraya oo xakamaynta Shucaaca Taawaradda Isgaadhsiinta ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland, Eng. Cali Cabdillaahi Daahir, iyo saraakiil kale 31 August 2020, Araweelo News Network.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu daah-furay qalabkaa,  sida ay wasaaraddu sheegtay, wuxuu noqonayaa mid lagula soconayo hirarka, isgaadhsiinta ee Taawaradda ay isticmaalaan shirkaddaha dhanka Isgaadhsiinta ee gudaha Somaliland.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, 31 August 2020, Araweelo News Network

Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, saraakiil ka socday shirkaddaha Isgaadhiinta iyo marti sharaf kale oo munaasibada lagu soo bandhigay qalabkaa ka qaybgalay, Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, ayaa faahfaahiyey ujeeddada laga leeyahay qalanka cusub ee ay keeneen iyo siyaasadda Tignoolajiyadda dowladda.

Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi iyo masuuliyiinta xukuumadda ee ka qaybgalay munaasibada daah-furka maamulka Hirarka, 31 August 2020, Araweelo News Network.

“Qalabkan in baddan ayaanu ku taamaynay, waxayna Somaliland noqonay dalkii 24aad ee isticmaala, waxaanu samaynay siyaasadii iyo xeerkii lagu maamuli lahaa qalabkan oo aannu kasoo iibinay Miinaasinayadda dawladda.”Ayuu yidhi, Wasiir Cabdiweli.

Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi iyo masuuliyiinta xukuumadda ee kala qaybgalay munaasibada daah-furka maamulka Hirarka, 31 August 2020, Araweelo News Network.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qalabkan ay maanta soo bandhigeen meesha ka saarayo cabashadii Bulshadda ee dhanka Taawaradda, isla markaana wax ka tarayo tayada Isgaadhsiinta, isagoo yidhi, “Wixii hadda ka danbeeya, waxa meesha laga soo cawdo la geynayaa qalabka, waana la cabirayaa, markaa natiijada ayaa lagula xisaabtamayaa shirkadda qalabka laga cabanayo iska leh, laakiin ma dhici doonto in qof meel isa soo taago oo waxaan jirin sheego, ama eeddaymo iska jeediyo, haddii la waayo wixii qofku ka cabanayay isaga ayaa tallaabo laga qaadayaa.” Ayuu yidhi, Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi.

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland, munaasibada daah-furka maamulka Hirarka, 31 August 2020, Araweelo News Network.

Wuxuu intaa ku daray in laga faa’idaysanyo qalabkan oo Hirarka laga kiraynayo ciddii u baahan, isla matkaana wuxuu sheegay in qaybtan oo ah qaybta Laliska ee Hirarka ay ahayd qaybta ugu muhiimsan ee Somaliland ka maqnayd, taas oo maanta kaddib ay wasaarad ahaan si toos ah ula soconayaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland, Eng. Cali Cabdillaahi Daahir oo ka hadlaya munaasibada daah-furka maamulka Hirarka, 31 August 2020, Araweelo News Network.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland, Eng. Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa masuuliyiinta Xukuumadda iyo saraakiisha shirkaddaha Isgaadhiinta uga mahadecilayay inay kasoo qaybgalaan munaasibadaa, wuxuuna ku tilmaamay mid muujinay sida loo danaynayo horumarka Tignoolojiyadda casriga ah.

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland, munaasibada daah-furka maamulka Hirarka, 31 August 2020, Araweelo News Network.

Dhinaca kale, waxa munaasibadaa ka hadlay Wasiiradda Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Horumarinta Wadooyinka, Warfaafinta iyo Maalgashiga, waxayna dhammaantood ku amaaneen Wasiirka  Guud iyo masuuliyiin kale, waxayna dhammaantood ku ammaaneen dedaalka wasaaradda, iyadoo saraakiisha ka socotay shirkaddaha isgaadhsiinta ay qaarkood sheegeen in ay soo dhowaynayaan in laysu furo shirkaddaha Telefoonada ee kala xidhan.

 

munaasibada daah-furka maamulka Hirarka, 31 August 2020, Araweelo News Network.

AKHRI: Somaliland: Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Faah-faahin Ka Bixiyay Qorshayaasha Iyo Siyaasadda ilaalinta Tignoolajiyadda Dowladda

Mudadii ay socotay Munaasibada, ayaa laga dareemay Isticmaalka khadka telefoonada iyo adeegyada lacagaha laysugu diro culays, taas oo socotay mudadii lagu jiray hawsha munaasibadaa, balse markii danbe kusoo laabtay sidii hore ee ay adeegyadaasi u shaqaynayeen.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post