Araweelo News Network
“Qalabku, Wuxuu Wax Ka Tarayaa Cabashadii bulshadda ee shucaaca Taawaradda”Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi,
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa hirgelisay adeeg casriya oo lagula soconayo Hirarka, ama Mawjaddaha Hawadda ee Isgaadhsiinta, isla markaana wax ka taraya oo xakamaynta Shucaaca Taawaradda Isgaadhsiinta ee dalka.
Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu daah-furay qalabkaa, sida ay wasaaraddu sheegtay, wuxuu noqonayaa mid lagula soconayo hirarka, isgaadhsiinta ee Taawaradda ay isticmaalaan shirkaddaha dhanka Isgaadhsiinta ee gudaha Somaliland.
Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, saraakiil ka socday shirkaddaha Isgaadhiinta iyo marti sharaf kale oo munaasibada lagu soo bandhigay qalabkaa ka qaybgalay, Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, ayaa faahfaahiyey ujeeddada laga leeyahay qalanka cusub ee ay keeneen iyo siyaasadda Tignoolajiyadda dowladda.
“Qalabkan in baddan ayaanu ku taamaynay, waxayna Somaliland noqonay dalkii 24aad ee isticmaala, waxaanu samaynay siyaasadii iyo xeerkii lagu maamuli lahaa qalabkan oo aannu kasoo iibinay Miinaasinayadda dawladda.”Ayuu yidhi, Wasiir Cabdiweli.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in qalabkan ay maanta soo bandhigeen meesha ka saarayo cabashadii Bulshadda ee dhanka Taawaradda, isla markaana wax ka tarayo tayada Isgaadhsiinta, isagoo yidhi, “Wixii hadda ka danbeeya, waxa meesha laga soo cawdo la geynayaa qalabka, waana la cabirayaa, markaa natiijada ayaa lagula xisaabtamayaa shirkadda qalabka laga cabanayo iska leh, laakiin ma dhici doonto in qof meel isa soo taago oo waxaan jirin sheego, ama eeddaymo iska jeediyo, haddii la waayo wixii qofku ka cabanayay isaga ayaa tallaabo laga qaadayaa.” Ayuu yidhi, Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi.
Wuxuu intaa ku daray in laga faa’idaysanyo qalabkan oo Hirarka laga kiraynayo ciddii u baahan, isla matkaana wuxuu sheegay in qaybtan oo ah qaybta Laliska ee Hirarka ay ahayd qaybta ugu muhiimsan ee Somaliland ka maqnayd, taas oo maanta kaddib ay wasaarad ahaan si toos ah ula soconayaan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland, Eng. Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa masuuliyiinta Xukuumadda iyo saraakiisha shirkaddaha Isgaadhiinta uga mahadecilayay inay kasoo qaybgalaan munaasibadaa, wuxuuna ku tilmaamay mid muujinay sida loo danaynayo horumarka Tignoolojiyadda casriga ah.
Dhinaca kale, waxa munaasibadaa ka hadlay Wasiiradda Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Horumarinta Wadooyinka, Warfaafinta iyo Maalgashiga, waxayna dhammaantood ku amaaneen Wasiirka Guud iyo masuuliyiin kale, waxayna dhammaantood ku ammaaneen dedaalka wasaaradda, iyadoo saraakiisha ka socotay shirkaddaha isgaadhsiinta ay qaarkood sheegeen in ay soo dhowaynayaan in laysu furo shirkaddaha Telefoonada ee kala xidhan.
Mudadii ay socotay Munaasibada, ayaa laga dareemay Isticmaalka khadka telefoonada iyo adeegyada lacagaha laysugu diro culays, taas oo socotay mudadii lagu jiray hawsha munaasibadaa, balse markii danbe kusoo laabtay sidii hore ee ay adeegyadaasi u shaqaynayeen.