X

Somaliland: Mulkiilihii Huteelka Maansoor Allah Haw Naxariistee Cabduqaadir Xaashi Oo Geeriyooday

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Allah haw naxariistee Ganacsade Cabduqaadir Xaashi Cilmi oo ahaa mulkiilaha Huteelka caanka ah ee Maansoor ayaa ku geeriyooday dalka India.

Marxuum Cabduqaadir Xaashi

Qaar ka mid ah ehelada iyo qoyskiisa ayaa u xaqiijiay shebekaddaha Araweelo News Network geerida Marxuum Cabdulqaadir Xaashi oo xaalad caafimaad loogu qaaday dalka india dhowaan, hallaas oo caafimaadkiisa lagula tacaalayay.

Marxuum Cabduqaadir Xaashi wuxuu ahaa Oday muxtarim ah iyo Ganacsade dalka horumarkiisa, nabadiisa iyo dib-u- dhiskiisa safka hore kaga jiray.

sidoo kale, Marxuumka ayaa door muhiim ah qaadan jiray gurmadka masiibooyinka iyo taakulaynta xilliyada adage ee Bulshada.

Allah haw naxariistee Marxuum Cabduqaadir Xaashi Cilmi, wuxuu kasoo jeeday qoys magac iyo maamuus ku leh Somaliland oo inta baddan deegaamada Soomaalida laga yaqaan.

Bahda shebekaddaha Araweelo News Network. Waxay iyaga oo ka tiiraansaysan geerida Marxuumka ka tacsiyaynayaan qoyska reer Xaashi Cilmi, Ehelkii, asxaabtii iyo dhammaan shacbiga Somaliland, waxan si gaar ah uga tacsiyaynayaa Siciid Cabduqaadi iyo dhammaan reer Cabduqaadir Xaashi, waxan leenahay samir iyo iimaan saadiqa Marxuumkana waxan Allah uga baryaynaa inuu janafardawsa ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post