X

Somaliland: Mucaaradka Oo Ku Gacansaydhay Dalabka Wasiirka Arrimaha Guddaha

Khadar Xuseen Cabdi (Looge)

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku gacansaydhay dalabka wasiirka arrimaha guddaha ee ahaa in ay kulmaan maalinta Salaasada, ka hor inta aanay isugu soo bixin muddaharaadka ay iclaamiyeen maalinta Khamiista ee 11, August 2022.

Laxidhiidha: Xukuumaddu Maxay Kaga Jawaabtay #Muddaharaadka

Xoghahaya Guud ee xisbiga mucaaridka WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo ka jawaabayay qoraal kooban oo Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed kaga dalbaday labada Gudoomiye ee Xisbiyada mucaaradka Faysal Cali Waraabe iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan in ay xafiiskiisa wasaaradda yimaadaan maalinta Salaasada si ay uga wadahadlaan muddaharayada ay ku baaqeen.

Hase yeeshee Xoghahaya Guud ee xisbiga mucaaridka WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo maanta warbaahinta qaar la hadlay, ayaa qoraalka ku sheegay mid aannay aqbalayn oo waqtiga la doonayo in lagaga lumiyo.

Laxidhiidha: Mucaaraadka Oo Cayimay Muddaharaadka Xukuumaddu Ka Digtay

“Muddaharaadyada aannu ku baaqnay waa kuwo aan waxba iska beddelin, waxayna dalka oo dhan ka qabsoomayaan maalinta Khamiista, wax walba oo sharcigu na farayay waanu dhammaysanay, sidaa awgeed sabab wasaaradda arrimaha guddaha wasiirkeedu warqad uu ku dalbanayo in labada guddoomiye u yimaadaan ma garanayno, waana waqti lumis..”ayuu yidhi.

Xighayaha WADDANI, wuxuu sheegay in iyadoo wasaaradda arrimaha gudduhu qoraalkaa soo qortay ay maanta xukuumaddu xidhay masuuliyiin ka tirsan mucaaradka, wallow aanu sheegin tiradooda iyo kuwa ay yihiin masuuliyiinta la xidhay yo sababta loo xidhay.

“Ma jirto sabab aannu ugu tagnaa, “Siyaad Barre ayaa dalka ku haysan waayay dad xabsi lagu guro, dadka oo dhan ma xabsiga Mandheeraa qaadaya, waa la arki dalkan halkaad ku wadaan, ayuu yidhi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post