X

Somaliland: Mucaaradka Iyo Xukuumadda Oo isla Waafaqay Muddaharaayada

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo saraakiil kale, 9 August 2022, Image Araweelo News Network.

“Xubnihii ka shaqaynayay muddaharaadyada ee xukuumaddu xidhay, waxaan ku baaqaynaa in xoriyadooda loo soo celiyo” Guddoomiye Xirsi.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo labada xisbi ee mucaaradka ayaa ugu danbayntii isla meel dhigay qabsoomida muddaharaadyada ay mucaaradku ku baaqeen oo ay hore xukuumaddu u diiday.

Laxidhiidha: Somaliland: Mucaaradka Oo Ku Gacansaydhay Dalabka Wasiirka Arrimaha Guddaha

Guddoomiyaha Xsibiga mucaaradka ee WADDANI, Xisri Cali Xaaji Xasan oo maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ay hareera joogaan saraakiil ka tirsan xisbiga, ayaa sheegay in kulan uu wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed ku baaqay xalay oo ahaa in labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradku u yimadaan si ay uga wadahadlaan muddahaaradyada, wallow xoghayaha guud ee Xisbiga Khadar Xuseen Cabdi xalay warbaahnta u sheegay in aannay kulanka uu wasiirka arrimaha gudduhu ku baaqay aannay ka qaybgelayn.

Laxidhiidha: Xukuumaddu Maxay Kaga Jawaabtay #Muddaharaadka

Guddoomiye Xisri wuxuu sheegay in saaka guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan saraakiil labada xisbi ee WADDANI iyo UCID xafiiskiisa kula kulmeen wasiirka arrimaha guddaha iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ah, isla markaana kulankaa kaddib ay ku wargeliyeen sida uu sheegay in xukuumadda iyo masuuliyiinta mucaaradku isla qaateen in la qabto muddaharaadyada maalinta loo asteeyay ee Khamiista 11, August 2022.

Laxidhiidha: Mucaaraadka Oo Cayimay Muddaharaadka Xukuumaddu Ka Digtay

“Siday ii sheegeen masuuliyiinta ka qaybalay kulamkaa, waxay noo sheegeen in laysla qaatay oo xukuumaddu aqbashay muddaharaadyada salmiga ah ay dhacaan oo la sugo amnigooda dadka ka qayb qaadanaya, waxa keliya oo ay maalinta beri Arbacada ugu noqonayaan in laga wadahadlo nabagelyada sidii loo sugi lahaa.” ayuu yidhi, Guddoomiye Xisrsi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha WADDANI, ayaa sheegay in ay aannay cidna nabadgelyada uga lexejeclo badnayn, “Dadka nabadgeltyada dhufayska ka dhiganaya ee leh “nabadgelyada la dhaawacayaa”, waxaan leenahay nabadgelyada gacanta kuma haysid, annagaa qayb ka ah oo ilaalinayna Xisbiga WADDANI iyo xisbiyada mucaaradku waa kuwa marwalba nabadgelyada ku baaqaya, waxa nabadgelyada xumayna Ninka doorashada diidaya ee muwaadiniinta aan waxba geysan xidhaya, laaya ee dhagraya, waxa nabadgelyada xumaynaya Ninka cadaaladda diida ee hannaanka dawladnimo xumayna.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI.

Dhinaca kale, Guddoomiye Xisri, wuxuu sheegay in ay canbaaraynayaan shan xubnood oo shalay xabsiga loo taxaabay, “waxa isu kaaya qaban waayay dawaladii oo leh aynu ka wadahadalno muddaharaadkii iyo inay xidho xubnihii ka shaqaynayay, waxaan ku baaqaynaa in xoriyadooda loo soo celiyo oo laga daayo xad-gudubka muwaadiniinta.” ayuu yidhi., balse ukuumadda, ayaan weli ka hadlin dhankeeda kulankaa iyo waxa laysla meel dhigay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post