X
    Categories: Warar

Somaliland Miisaaniyad Sannadeedka 2021

President of the Republic of Somaliland muse Bihi Abdi Image Araweelo News Network 26 November 2020.

Araweelo News Network

#Somaliland Golaha Wasiirrada  Oo La Horkeenay Miisaaniyad Sannadeedka 2021.
Hargeysa)ANN)-Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigii maanta oo ay ku yeesheen habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) lagu horgeeyay miisaaniyad sannadeedka 2021.
Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Networ, waxa Shirka golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici).
Qoraal saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wasiir ku xigeenka arrimaha guddaha Somaliland warbixin ka siiyey gollaha Wasiiradda xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, ayaa warbixin golaha ka siiyey xaaladda caafimaad ee dalka iyo heerka uu marayo xannuunka safmarka ah ee covid 19 oo caalamka ku soo laba kacleeyey, dalka Somaliland-na ka jira,
Wuxuu sheegay in xannuunku saamayn ku yeeshay mar kale caafimaadka bulshada Somaliland, isagoo wasiirku ku dheeraaday dedaalka wasaaraddu ugu jirto la dagaallanka covid 19, isagoo madaxda iyo shacbiga Somaliland ku adkeeyey inay ka feejignaadaan fiditaanka xannuunka COVID 19, isla markaana u hoggaansamaan awaamiirta caafimaad ee lagaga hortagayo.
Dhinaca kale, Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa gol;aha horkeentay Oddoroska miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka, iyadoo wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta maaliyadda uu sharaxaad ka bixiyay qaybaha miisaaniyaddu ka kooban tahay iyo meelaha ay diiradda saarayso,
Wasiir ku xigeenka, ayaa xusay inay dalka soo food-saareen xaaladdo dhaqaale oo ay sababeen covid 19, Ayaxii dalka ku habsaday iyo hakintii arrimaha xajka kuwaasoo saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalihii dalka, waxaanu tilmaamay in ganacsatada iyo cashuur bixiyeyaasha dalku ay door muuqda ka qaateen bixinta cashuuraha ku waajibay si ay u daboolanto miisaaniyaddii hore ee ay caqabaduhu soo wajaheen.
Sida lagu xusay qoraal saxaafadeedka Odoroska miisaaniyadan sannadeedka 2021 ayaz la filayaa in ay miisaaniyad sannadeedkii hore ka badnaan doontaa 2.7%, balse laguma xusin qoraalka inta ay tahay, waxaana gollaha Wasiiradu gudo galeen doodda iyo falanqaynta miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka, balse loo balamay in lagu ansixin doono fadhiyada dambe.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post