X
    Categories: Warar

Somaliland: Midawga Yurub Iyo Britain Oo Kula Taliyay Guurtida Iyo Axsaabta In Aan La Siyaasadayn Mudda-kordhinta Dib U Dhaca Doorashooyinka

Hargeysa(ANN)Wefdi ka socday Midawga Yurub iyo Dawlada Britain oo kulamo la yeeshay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Guurtida iyo Axsaabta qaranka, ayaa ujeedada kulamadooda lagu tilmaamay kuwo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka ee dib u dhacu ku yimi.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, ayaa sheegay in kulanka ay wefdiga Midawga Yurub iyo Britain la yeeshee guurtida ku sheegay inay sideen farriin ah in aan la siyaasadayn muddo-kordhinta iyo arrimaha doorashooyinka la xidhiidha.

“Waxa qudha ee ay soo jeediyeen, isla markaana doonayeen waxay ahayd in aan la siyaasadayn doorashooyinka, muddada dib u dhacday iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkaba, annaguna waannu u sheegnay in aanan qaban doorashooyinka, awoodna u lahayn in aannu muddayno, go’aankeedana ma lihin in la kordhiyo iyo in aan la kordhin, arrimaha doorashooyinkana waxa ku shaqo leh Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyagaana qabashadeeda, diyaarinteeda, ku dhawaaqisteeda iyo hawlaheedaba intaasba iyaga ayaa leh, markaa xilliga ay ula haboonaato ee ay ku saleeyaan jad-walkooda, Komishanka ayaa go’aan ka gaadhaya in doorashooyinku ku qabsoomi karaan xilligooda iyo inay dib uga dhacayaan,” ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee weftigu ka socday ogyihiin in doorashooyinku dib uga dhaceen waqtiga ay u muddaysnaayeen ee 26 June 2015, waxaannu yidhi; “Way ogyihiin dib-u-dhaca iyo in aanay doorashooyinku ku qabsoomayn waqtigooda, waayo adduunku imminka waa mid iska wada war haya oo hal guri ayeynu ku wada nool nahay, wayna ogyihiin in Komishanka Doorashooyinku ku saleeyey jad-walkoodii bisha July ilaa September 2015, taasina ay tahay xilli ka dambeeya waqtigii doorashooyinku qabsoomi lahayd.” Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Guurtida Somaliland.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post