X
    Categories: Warar

Somaliland: Maxkmaadda Rafcaanka Ee Gobolka Maroodi-jeex Oo Go’aan Kasoo Saaray Dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah madaxdhaqameedka ugu caansan Somaliland oo muddooyinkan ku xidhnaa Xabsiga, ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda rafcaanka ee Magaalada hargeysa.

Garsooraha maxkamadda rafcaanka ee Hargeysa Cabdi Axmed Xasan oo qaaday kiiska Boqor Cismaan, ayaa  maanta ku dhawaaqay go’aan kasoo baxay fadhi maxkamaddu yeelatay oo uu goob joog ka ahaa boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw, wuxuuna  garsoorruhu ku sheegay go’aanka in maxkamadda rafcaanku ku xukuntay boqorka saddex sano oo xadhig ah .

Garsoore  Cabdi Axmed Xassn, ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda Rafcaanku  ku dhintay maanta xukunkii maxkamada gobolka hargeysa gaadhay  26 April 2018, iyadoo hore ugu xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud  Buurmadaw shan sano oo xadhig ah .

Balse Qareenada u doodayay Boqor Cismaan, ayaa sheegay in aanay ku qanacsanayn go’aankaa oo ay Rafcaan u qadanayaan maxamadda Sare, waxayna Qareenada u doodayay Boqor Cismaan sheegeen in qodobada loo cuskaday go’aankaa maxkamadda aanay ahayn kuwo xaq ah.

Boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw, ayaa  lagu xidhay Hargeysa 21 April 2018, wuxuuna  xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ku eedeeyay inuu 15 April munaasabad dhaqameed uu boqorku kaga qayb galay Puntland uu kaga hadlay khudbad wiiqaysay ayuu yidhi gooni isutaagga Somaliland iyo ciidamadeeda, balse Qareenada difaacayay boqor Buurmadaw ayaa eedeyntaasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Xidhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), waxa ka dhashay xadhigiisa mudaharaadyo lagu diidan yahay oo ka dhacay qaar ka mid ah deegaamada Bariga Somaliland Iyo dhawaaqyo lagu canbaaraynayay oo ka imanayay gudaha iyo dibedda  waxaana lasii daayay maalin kadib markii uu xidhnaa,  iyadoo markaa kadib maxkamadda dib loogu celiyay, isla markaana lagu riday xukun shan sannadood ah oo lagu celiyay xabsiga, waxaana  hada maxkmadda rafcaanku kusoo koobtay xukunkaa saddex sannadood.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), waxa sidan oo kale loo u xidhay Xukuumadihii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Daahir Rayaale, iyadoo xiliyadaana loo xidhay arrimo siyaasadeed, waxaase lasii daayay muddo kadib, markii maxkamadda la hor geeyay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post