Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah madaxdhaqameedka ugu caansan Somaliland oo muddooyinkan ku xidhnaa Xabsiga, ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda rafcaanka ee Magaalada hargeysa.
Garsooraha maxkamadda rafcaanka ee Hargeysa Cabdi Axmed Xasan oo qaaday kiiska Boqor Cismaan, ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan kasoo baxay fadhi maxkamaddu yeelatay oo uu goob joog ka ahaa boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw, wuxuuna garsoorruhu ku sheegay go’aanka in maxkamadda rafcaanku ku xukuntay boqorka saddex sano oo xadhig ah .
Garsoore Cabdi Axmed Xassn, ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda Rafcaanku ku dhintay maanta xukunkii maxkamada gobolka hargeysa gaadhay 26 April 2018, iyadoo hore ugu xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw shan sano oo xadhig ah .
Balse Qareenada u doodayay Boqor Cismaan, ayaa sheegay in aanay ku qanacsanayn go’aankaa oo ay Rafcaan u qadanayaan maxamadda Sare, waxayna Qareenada u doodayay Boqor Cismaan sheegeen in qodobada loo cuskaday go’aankaa maxkamadda aanay ahayn kuwo xaq ah.
Boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw, ayaa lagu xidhay Hargeysa 21 April 2018, wuxuuna xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ku eedeeyay inuu 15 April munaasabad dhaqameed uu boqorku kaga qayb galay Puntland uu kaga hadlay khudbad wiiqaysay ayuu yidhi gooni isutaagga Somaliland iyo ciidamadeeda, balse Qareenada difaacayay boqor Buurmadaw ayaa eedeyntaasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.
Xidhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), waxa ka dhashay xadhigiisa mudaharaadyo lagu diidan yahay oo ka dhacay qaar ka mid ah deegaamada Bariga Somaliland Iyo dhawaaqyo lagu canbaaraynayay oo ka imanayay gudaha iyo dibedda waxaana lasii daayay maalin kadib markii uu xidhnaa, iyadoo markaa kadib maxkamadda dib loogu celiyay, isla markaana lagu riday xukun shan sannadood ah oo lagu celiyay xabsiga, waxaana hada maxkmadda rafcaanku kusoo koobtay xukunkaa saddex sannadood.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), waxa sidan oo kale loo u xidhay Xukuumadihii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Daahir Rayaale, iyadoo xiliyadaana loo xidhay arrimo siyaasadeed, waxaase lasii daayay muddo kadib, markii maxkamadda la hor geeyay.