X
    Categories: Warar

Somaliland: Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xukun Ganaax Ah ku Ridday Tifaftaha Telefishanka HCTV

Abdukadir Saleban Asayr (aka Abduqadir Oda'ay)


Haegeysa(ANN)-Tafaftiraha Telefishanka Horn CableTv, Abdikadir Saleban Asayr oo lagu naanayso (Abduqadir Oda’ay), oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa xarunta dembi baadhista ee magaalada Hargeysa, ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex xoriyadiisa usoo celisay.


Xukunka Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex shalay ku riday Abdikadir Saleban Asayr (aka Abduqadir Oda’ay), ayaa ahaa sannad iyo saddex milyan oo lacagta Somaliland ah oo ganaax ah, waxaana saaka loo iibiyay xukunkaa iyo lacagta ganaaxa ah, iyadoo la bixiyay lacag ku dhow Lix Milyan Sl/sh. ah. sidaana waxa loogu celiyay xoriyadiisa.


Suxufigan oo, muddo dheer ka shaqaynayay Telefishanka Horn CableTv, ayaa ahaa soo saare Muturjum dhanka Filimda ah, balse markii loo magcaabay dhowaan xilka Tafaftiraha Telefishanka, waxa muddo yar kadib ciidamada amaanku xabsiga u taxabeen Bishii November, waxaana lagu eedeeyay inuu ka baahiyay Telefishanka war lagu tilmaamay borabagaando oo la xidiidhay dhabbaha Diyaaraddaha ee Hargeysa, kadib diyaarad dib uga laabatay garoonka oo doonaysay inay soo fadhiisato, taas oo awoodi weyday, waxaana muddadii uu xidhnaa loo diday in damaanad lagu sii daayo. sida uu sheegay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA.

“Xukuumadda Waxaan ugu baaqayaa, xadhiigu ma xuma ee waxaan ka codsanayaa in saxafiyiinta xadhigooda loo maro sifo sharci ah. Suxufigu isagoo banaanka jooga dacwada ha lagu soo oogo.”ayuu yidhi, Abdulqaadir Oda’ay markii loo celiyay xoriyadiisa la hadlay weriyayaasha.

“Xaqiiqatan intii aan ku xidhnaa xarunta CID-da si fiican ayaa la iila dhaqmay, waliba ha u badnaato intii uu xilka la wareegay hoggaanka cusub ee Faysal Xiis,” Sidaas ayuu yidhi Tifaftiraha telefishanka Horn Cable Tv.

Read: Somaliland: Sentenced 1-year in jail Horn Cable TV Editor
Hay’addaha xuquuqda Aadmaha iyo guddida difaaca suxufiyiinta ee loo spo gaabiyo CPJ, ayaa canbaareeyay xadhiga suxufigaa, waxayna ugu baaqeen xukuumadda inay xoriyadiisa usoo celiso, balse xukuumadda ayaa dhegaha ka furaysatay dhawaaqyadaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post