Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)- Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa gebi ahaanba laashay dacwaddo ay maalmiahan ku jirtay dhegeysigooda, kuwaas ka dhashay natiijada hordhaca ah ee doorashooyinkii isku sidkanaa ee Gollayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee dalka qabsoomay 31 May 2021, balse dacwaddaha ay ku jirtay Maxkamadda Sare ee Somaliland, isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa ahaa kuwo ka dhashay natiijadda hordhaca ahayd ee gollaha wakiillada Somaliland.
Garsoorayaasha Maxkmadda Sare, ayaa dhegysiga dawladdaha ku jiray maalmihii lasoo dhaafay, kaddib markii ay Maxkamadda Sare ka furmeen 28 Jun 2021, Fadhigaa oo ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, garyaqaan Aadam Xaaji Cali iyo Sagaal garsoore oo kale, kuwaas oo kala ahaa , ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Maxamed Cumar Geele, Garsoore,Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Garsooe, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Garsoore, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Garsoore, Axmed Diiriye Qaalib, Garsoore, Yaxye Cali Idiris, Garsoore, Maxamed Faarax Siciid, Garsoore, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Garsoore,Cabdullahi Cabdi Aadam oo ay kaalmaynayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Sahra Ismaaciil Cabdullaahi .
Sidoo kale, garoorayaasha muddadii ay ku jireen fadhiga dhegaysiga dacwaddaha, waxa kaalmaynayay kaaliyayaasha kala ah, Khadar Muuse Cabdi, Cabdisalaan Muuse Ducaale iyo Cumar Cabdiwahaab Siciid, iyadoo dhegaysiga fadhiga buuxa (Full bench) ee maanta maxkamaddu kusoo gebagebaysay dhegaysiga 8 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadda gollaha Wakiillada Somalialnd.
Maxkmadda, ayaa sheegtay in iyadoo eeggaysa dacwaddaha ay dhegaysatay, isla markaana raacaysa xeerka doorashooyinka iyo xeerarka kale ee la hal-maala ay maanta kasoo saaray go’aan siddeda dacwaddood, waxayna go’aan ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali iyo sagaal garsoore oo ku kale ku sheegtay Maxkamaddu in la laalay dhammaan dacwaddaha ka yimi murrashaxiinta u tartamay gollaha wadiillada Somaliland oo ahaa siddeed dacwaddood.
Go’aanka Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, ayaa lagu sheegay in Maxkamaddu xukuntay natiijadda hordhaca ah ee Komishanka Doorashooyinku hore ugu dhawaaqeen, isla markaana dacwaooddaha ay sax tahay cabashadiisu aannay lahayn saldhig sharci. Sidaana ay kusoo saartay go’aanka ku taariikhaysan 3/7/2021, kaas oo ay saxeexeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali iyo Sagaal Garsoore oo kale, sida ku cad Dukumentiga ku lifaaqan halakan hoose.
Dhinaca kale, Fadhiga ay Maxkamaddu ku dhegaysatay dhammaan dacwaddaha waxay ahaayeen kuwo u furnaa dadweynaha danaynaya in ay dhegaystaan, sidoo kale dhegaysigii waxa ka soo qayb galay kor-joogayaashii doorashada ee caalamiga iyo kuwa maxaliga ahaa ee kormeerayay doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo wakiillada ee dalka ka dhacay 31 May 2021.
Published Araweelo News Network.
Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
instagram@araweelonews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com