Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa farriin khusaysa kordhinta cusub loo samaynayo muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka dalka u dirtay Golaha Guurtida, kadib markii dib-u-dhac ku yimmi doorashada Madaxtooyada oo hore u qorshaysnayd in la qabto 28 bisha soo socota ee March sannadkan 2017.
Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo jawaab ka soo saartay codsi uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo kaga dalbaday inay dib-u-eegis ku samayso waqtiga doorashada, ayaa qaraar maxkamadeed ku tirtirtay go’aankeedii hore ee ay qabashada doorashada ugu cayintay 28 bisha March, waxaanay maxkamaddu fartay Golaha Guurtida inay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan kordhinta muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, iyadoo lagu salaynayo soo jeedinta Madaxweynaha ku qotonta heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku iskula qaateen in doorashada la qabto 10 October 2017, loona kordhiyo muddo lix bilood ah.
Haddaba, qaraarka soo baxay Maxkamadda Dastuuriga ah oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, waxa iyadoo faahfaahsan ay u dhignayd sidan;
“Asbaabtii Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland
Markii ay aragtay: Codsiga dib-u-eegista ah ee Madaxweynaha JSL ee Summaddiisu tahay JSL/M/MD/100-4553/022017, kuna taariikhaysan 14/02/2017, ee uu ku codsanayo in Maxkamadda Dasrtuuiga ah ee JSL dib u eegis ku samayso qaraarkeedii fasiraadda ahaa ee summadiisu ahayd MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015.
Markay aragtay: Asbata uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u cuskaday codsiga dib-u-eegista qaraarkii fasiraadda ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee kor ku xusan.
Markay: Qodobada 97, 98 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qod.15 ee Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo 334 ee Xeerka Habka Madaniga ah.
Markay aragtay: Dhammaan asbaabtaa kor ku xusan waxay soo saartay qaraarkan soo socda:
1. Waxay aqbashay codsiga dib-u-eegista ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay JSL/M/MD/100-4553/022017, kuna taariikhaysan 14/02/017 ee uu Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland kaga codsanayey in ay dib-u-eegis ku samayso qaraarkeedii fasiraadda ahaa ee summaddiisu ahayd MS/DD/02/2015, eek u taariikhaysan 18/08/2015.
2. Waxay wax ka beddeshay qararkii Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu ahayd MS/DD/02/2015, ee 18/08/2015.
3. Waxay tirtirtay faqradaha 1aad iyo 3aad ee qaraarka summaddiisa iyo taareiikhdiisuba kor ku xusan yihiin oo ka hadlayey in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Golaha Wakiilladu ay qabsoonto 28/03/2017.
4. Waxay faraysaa in Golaha Guurtidu uu waajibkiisa Dastuuriga ah ka guto muddo kordhinta doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, iyadoo laga duulayo soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda si Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waafaqsan.
5. Qaraarkan waxa loo cuskaday Qodobada 97,98 Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qod.15 XNG iyo 334 XHM.
6. Qaraarkan wuxuu soo baxay maanta (maalintii Khamiista) oo taariikhdu ay tahay 16/02/2017,” ayaa lagu yidhi qoraalka qaraarka ka soo baxay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.