X

Somaliland: Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Biixi Iyo Beesha Caalamku

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo guddoominaya shirka golaha wasiirada oo u qabsoomay qaab maqalka iyo muqaalka. 16 April 2020. Araweelo News Network

Arrimaha Doorashooyinka Maxay Iska Weydiiyeen?

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlashay kulan khadka Isgaadhsiinta ee foogaan-aga maqalka iyo muuqaalka ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiiro iyo Diblamaasiyiin Beesha Caalamka ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagaga halday arrimaha lagu faaqday oo ay ugu muhiimsan yihiin doorashooyinka Somaliland ee khilaafku ka taaganayahay iyo guud ahaan xaaladda dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda oo ku taariikhaysan, 23-06-2022, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,, Muuse Biixi Cabdi Khamiistii maanta habka maqalka iyo muuqaalka (Video Conference) la yeeshay koob iyo toban (11) mudane oo isugu jira safiiro iyo diblumaasiyiin ka socda beesha caalamka.

Sida lagu sheegay qoraalka, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu safiirada iyo diblumaasiyiinta la wadaagay xaalada guud ee dalku halka ay marayso haday tahay dhinaca horumarka, nabadgelyada, iskaashiga iyo wadashaqaynta arrimaha mandaqa geeska Afrika.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu safiirada u sheegay halka ay marayso geedi socodka arrimaha doorashooyinka qaranka Somaliland ku soo fool leh, isagoo xusay madaxweynuhu in tallaabooyinkii muhiimka u ahaa hirgelinta doorashooyinku ay bilaabmeen, qaarkoodna dhammaadeen. Sida in ay maxkamada dastuuriga ahi ay go’aamisay in ururadu furan yihiin cidii u horaysay ee arrintaa aqbashayna ay ahayd xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo maxkamada ku hambalyeeyey tallaabadaasi.

Waxa kale oo madaxweynuhu xusay in markii ay iskood isu casileen komishankii doorashooyinka qaranku uu waraaqo u diray golaha guurtida iyo xisbiga Waddani kagana dalbaday inay sida ugu haboon u soo buuxiyaan xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka, halka xisbiga Ucid uu isagu hore u soo gudbiyey xubintiisa, taasoo ujeedadu ahayd in looga gudbo wejiga xiga, loogana hortago dib u dhac ku yimaada arrimaha doorashooyinka, iyaguna ay si degdeg ah uga soo jawaabeen, sidaana madaxweynuhu ugu gudbiyey golaha wakiilada oo ka gutay waajibaadkoodi shaqo kuna ogolaaday afar xubnood oo u gudbay Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka, halka ay diideen saddex xubnood oo ka mida komishankii cusubaa, dhawaana la dhamaystiri doono. Waxaana xusid mudan in aqlabiyada golaha wakiiladu ay ka soo jeedaan xisbiyada mucaaridka ah, balse ay marwalba ka midaysan yihiin arrimaha Qarannimada iyo jiritaanka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in si dhakhsaha loo soo dhamaystiri-doono saddexda xubnood ee hadhay ee komishanka, si ay iyagoo dhamaystiran ay u soo bandhigaan  nidaamka hirgelinta doorashooyinka, ka xukuumad ahaana ay si buuxda ula shaqayn doonaan si ay inoogu qabsoomaan doorashooyinku.

Dhinacooda safiirada iyo diblumaasiyiintu waxa ay balan qaadeen marka ay soo dhammaadan arrimaha  sharci ee doorashooyinka la xidhiidha, lana soo dhamaystiro xubnaha komishanka doorashooyinka inay Somaliland ka taageeri doonaan hirgelinta arrimaha qabsoomida doorashooyinka.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey Kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud. Halka dhinaca safiirada iyo diblumaasiyiintuna ay kala ahaayeen:-

1. EU Ambassador Tiina Intelmann, 2. Finnish Ambassador Pirkka Tapiola, 3. French Ambassador Aline Kuster Menager, 4. Swedish Ambassador Per Lindgarde, 5. US Embassy – Carla Benini, Chargé d’affaires, 6. Embassy of Norway – Haakon Svane, Chargé d’affaires, 7. German Embassy – Sascha Kienzle, Deputy Ambassador, 8. Embassy of the Netherlands – Laurie Visser, Deputy Ambassador, 9. British Office Hargeisa – Lizzie Walker, Head of British Office Hargeisa, 10. Embassy of Denmark – Mathias Kjaer, Head of Danida Office Hargeisa iyo 11. Embassy of Canada, Robert Bunbury, First Secretary.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post