#Araweelo_News_Network
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wefti ka kooban oo ka socday dalalka Ethiopia iyo Kenya, kuwaas oo Somaliland u yimi ka qaybgalka shir  lagu qabtay Hargeysa.
War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu xusay in wefdiga oo ah xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socda dalalka Kenya iyo Ethiopia ujeedada safarkoodu la xidhiidho inay ka qaybgalaan  shir Caalamiya oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland oo ujeedadiisu ahayd dhiirigelinta haweenka iyo khibrad wanaaga arrimaha haweenka.
Qoraalka ayaa lagu muujiyay magacyada Xildhibaanada iyo masuuliyiinta la sheegay in ay dalka u yimaadeen shirka lagaga hadlayay arrimaha haweenka. kuwaas oo madaxweynuhu  uga waramay marxaladihii dalkani soo maray iyo halka uu wakhtigan marayo oo ku yimi dedaal qaran oo ay ka midho dhaliyeen dawladihii xukunka u kala danbeeyey iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ah kuwo marwalba barbartaagan Dawladooda ilaashadana madax-bannaanida Qaran-nimadooda.
Sida lagu xusay qoraalka Madaxweynaha waxa kulanka ku weheliyay masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland oo ka kooban Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor), wasiirka, Wasiir ku xigeen Marwo Yurub Abiib Cabdi, Agaasimaha Guud  Axmed Xasan Aw Aadan, Xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye iyo Muuna Ciise Mahad.
Dhinaca weftiguna waxay kala ahaayeen Senator Hamida Ali Kibwana oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Kenya, Xildhibaanada kala ah Faadumo Cali, Ummulkheir Kassim, Ngelechei Caroline Jeptoo oo ka mida Baarlamaanka Kenya iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Jinsiga iyo Dhallaanka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Marwo Ubax Cabdiraxmaan.