#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay Haween culimo ah oo ka mid ah Kooxaha Haweenka ee ka jira Hargeysa, kuwaas oo ku bahoobay Urur Bulsho.

Kulanka oo aan si dhab ah loo ogayn ujeedada uu daarnaa iyo arrimaha dhabta ah ee lagaga hadlay, balse kulnaka markii uu dhammaaday Madaxtooyadda ayaa warbaahinta la wadaagtay khudbad uu Madaxweyne Biixi ka jeediyay kulanka uu ku qaabilay Haweenka qasriga Madaxtooyadda.

 

Madaxweynaha Somaliland oo ay ka sokow Haweenka kulanka ku weheliyeen Xubno Wasiiro ah iyo qaar ka mid ah Culmida ayuu hadalkiisa kusoo qaaday arrimo baddan oo qaar kood la xidhiidhaan arrimaha kusoo badanaya Baraha Bulshada oo Madaxweyne Biixi ku tilmaamay kuwo aan loo baahnayn oo dhaqanka iyo amniga waxyeelaya.

 

Muuqaakan ka Daawo waxyaabaha Madaxweyne Biixi ka Hadlay