X
    Categories: Warar

Somaliland Maxabiista Oo Laga Soo Daayay Xabsiyada Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi 24 March 2019, Labada Gole Baarlamaan Hargeysa

WAREEGTO MADAXWEYNE

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

                                                                    Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post