X
    Categories: Warar

Somaliland: Maxaa Sababay Hawl-gal Baadhis Laanta Socdaalku Xalay Ka Samayeen Huteelada Hurdada

Hargeysa-Somaliland (ANN)Ciidamadda Laanta Socdaalka Somaliland ayaa habeenki xalay hawl-galkii ugu balaadhnaa ee baadhis ah ka samayee gobollada Dalka Somaliland oo dhan.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa (Maxamed Canbaro), oo isaga oo ku sugan Kaantaroolka Aw Barkhadle ee Bariga Magaalada Hargeysa u sheegay warbaahinta in hawl-galkan balaadhan oo ka socda Gobolada Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ay ku sugayaan amaanka sidoo kale ay kula dagaalamayaan Tahriibayaasha.

“Waa jiraa hawlgalku, waxana lagu sugayaa amaanka iyo socdaalka sharci darradda ah oo waa mid aanu caadiyan sameyno anaga oo fullinayna waajibaadkayaga guud iyo sidoo kale amarka Wasiirka Arrimaha gudaha, Horena waxaanu hudheeladda u faray inaanay ogolan in hudheeladooda ay seexdaan dad aan sidan Aqooni, Islamarkaana aanay ka reebin raad-raac iyo telefoonka cida ay u socdeen ama ujeedadooda.” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha waxaana uu qiray in hawl-galkan oo aad loo dareemay uu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay inay ka wadaan isku mar caawa ka wadda bilaabeen jidadka isaga gudba goboladda iyo caasimaddaha goboladda dalka badankoodda sidaas ay sii wadayaan.

Taliyuhu muu sheegin caabsidda soo korodhay oo keentay hawl-galkan balse waxaa uu tilmaamay inay hawlgaladan sii wadayaan oo ay ka mid-tahay hawshooddi shaqo. Waa markii ugu horeysay ee hawlgal culayskan leh oo la xidhiidha amaanka laga wadda bilaabo inta badan caasimada gobolada dalka Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post