X

Somaliland: Maxaa Lagaga Hadlay Kulankii Albaabada Loo Xidhay Ee Madaxweyne Biixi Iyo Shirguddoonka Cusub Ee Gollaha Wakiillada

Araweelo News Network.

Somaliland: Maxaa Lagaga Hadlay Kulankii Albaabada Loo Xidhay Ee Madaxweyne Biixi Iyo Shirguddoonka Cusub Ee Gollaha Wakiillada

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada kulan albaabada loo xidhay kula yeeshay maanta shirguddoonka cusub ee  gollaha wakiillada Somaliland.

Kulankanka oo ah kii u horreeyey ee ay rasmi u yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirguddoonka cusub ee golaha wakiilladu oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gollaha wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ay weheliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad Siciid Mire Faarax (Giire) iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cali Xaamud Jibriil.

 

Balse qoraal kooban oo kasoo baxay kulanka kaddib, oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, waxa lagu sheegay in lagu lafo-guray hannaanka wada shaqayneed ee ka dhexeeya gollaha sharci dejinta iyo xukuumadda.

 

Dhinaca Madaxweynaha waxa kulankaa ku weheliyay Wasiirrada Wasaaraddaha xannaanadda  ee Xannaanada Xoollaha iyo horumarinta kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed iyo Wasiirka Wasaaradda xidhiidhka gollayaasha iyo arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

 

Dhinaca kale, guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif ayaa dhankiisa bartiisa Twitter kaga hadlau kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha, isagoo xusay in uu ahaa kulankii u horreeyay ee dhexmara shirguddoonka iyo Madaxweynaha tan iyo markii la doortay dhowaan.

“Kulankii 1aad ee rasmi ah ayaan la yeelanay Madaxweynaha JSL oo ay wehelinayeen Wasiirro si aanu uga wada hadalno wada shaqaynta Dastuurku waajibinayo ee ka dhaxeysa waaxda fulinta & G.Wakilllada si loo helo isu dheelitirnaan awoodda Qaranka & Isla xisaabtanka Hay’addaha Dawladda.” Ayuu Guddoomiye ku yidhi, qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post