X

Somaliland: Maxaa Lagaga Hadlay Kulanka Madaxweyne Biixi La Qaatay Safiirka Taiwan

Araweelo News Network.-

#Somaliland: Maxaa Lagaga Hadlay Kulanka Madaxweyne Biixi  La Qaatay Safiirka Taiwan 

Hargeysa(ANN))-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaaradda Dalka Taiwan ku leeyadahay Jamhuuriyadda Somaliland, ee Magaalada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen dublamaasiyiin ka tirsan safaaradda.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay safiirka Taiwan u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ahaa mid Albaabada loo xidhay, ayaa qaatay waqti, iyadoo aannay saxaafadu goob joog ka ahayn kulankaa.

Balse markii uu dhamaaday kulanku, waxa war kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland lagu sheegay in kulanku ahaa mid diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo la xidhiidha Sidii loo dar-dargelin lahaa xidhiidhka hufan ee labada dal u dhexeeya, islamarkaana kor loogu qaadi lahaa, loona xoojin lahaa deeqaha waxbarasho ee ay Taiwan siiso Ardayda reer Somaliland iyo mashaariicda horumarineed ee labada dal hore uga wada hadleen sidii loo dar-dargelin lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Safaaradda Taiwan ee Somaliland, Ambassador Allen C. Lou, Araweelo News Network, 19 December 2020.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in waxyaabaha kale ee lagaga hadlay  kulankaa ay ka mid ahaayeen arrimaha caafimaadka, gaar ahaan xakamaynta xanuunka Covid-19 iyo sidii ay Taiwan gacan uga geysan lahayd inay Jamhuuriyadda Somaliland hesho tallaalka cudurka Covid-19 oo dalal badan oo dunida kamid ahi ay dadkooda u bilaabeen sidii ay uga hortegi lahaayeen xannuunkaasi.

Geba-gebadii waxa lagu sheegay qoraalka in kulankaasi ahaa mid kusoo dhammaaday is af-garad buuxa, iyadoo madaxweynaha Somaliland iyo safiirka Taiwan isla meel-dhigeen sii xoojinta wada-shaqaynta iyo saaxiibtinimada labada dhinac u dhaxeeya.

Dhinaca kale, Safiirka Taiwan ayaa todobaadkii hore shaaciyay in dawladda Taiwan ay diyaarisay deeq waxbarasho oo ay u qorshaysay Ardayda Somaliland, taas oo ay hore u balan qaadeen,  walaw aan la shaacin xilliga la bilaabayo iyo tirada Ardayda ee ay waxbarashadda ugu deeqday Taiwan.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post