Araweelo News Network.-
#Somaliland: Maxaa Lagaga Hadlay Kulanka Madaxweyne Biixi La Qaatay Safiirka Taiwan
Hargeysa(ANN))-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaaradda Dalka Taiwan ku leeyadahay Jamhuuriyadda Somaliland, ee Magaalada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen dublamaasiyiin ka tirsan safaaradda.
Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay safiirka Taiwan u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ahaa mid Albaabada loo xidhay, ayaa qaatay waqti, iyadoo aannay saxaafadu goob joog ka ahayn kulankaa.
Balse markii uu dhamaaday kulanku, waxa war kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland lagu sheegay in kulanku ahaa mid diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo la xidhiidha Sidii loo dar-dargelin lahaa xidhiidhka hufan ee labada dal u dhexeeya, islamarkaana kor loogu qaadi lahaa, loona xoojin lahaa deeqaha waxbarasho ee ay Taiwan siiso Ardayda reer Somaliland iyo mashaariicda horumarineed ee labada dal hore uga wada hadleen sidii loo dar-dargelin lahaa.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in waxyaabaha kale ee lagaga hadlay kulankaa ay ka mid ahaayeen arrimaha caafimaadka, gaar ahaan xakamaynta xanuunka Covid-19 iyo sidii ay Taiwan gacan uga geysan lahayd inay Jamhuuriyadda Somaliland hesho tallaalka cudurka Covid-19 oo dalal badan oo dunida kamid ahi ay dadkooda u bilaabeen sidii ay uga hortegi lahaayeen xannuunkaasi.
Geba-gebadii waxa lagu sheegay qoraalka in kulankaasi ahaa mid kusoo dhammaaday is af-garad buuxa, iyadoo madaxweynaha Somaliland iyo safiirka Taiwan isla meel-dhigeen sii xoojinta wada-shaqaynta iyo saaxiibtinimada labada dhinac u dhaxeeya.
Dhinaca kale, Safiirka Taiwan ayaa todobaadkii hore shaaciyay in dawladda Taiwan ay diyaarisay deeq waxbarasho oo ay u qorshaysay Ardayda Somaliland, taas oo ay hore u balan qaadeen, walaw aan la shaacin xilliga la bilaabayo iyo tirada Ardayda ee ay waxbarashadda ugu deeqday Taiwan.