X

#Somaliland; Maxaa Lagaga Hadlay Kulanka Labada Madaxweyne #Biixi Iyo #Rayaale Ee Xilligan

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Biixi ayaa qaabilaada ka sokow wuxuu Madaxweynihii saddexaad ee Somaliland ku maamuusay Hadhimo-sharafeed loogu sameeyey maanta Qasriga Madaxtooyadda.

Labada Madaxweyne waxay markaa kaddib yeesheen kulan ay isku xog waraysteen, kaas oo sida ay sheegtay Madaxtooyaddu isku dhaafsadeen tallooyin iyo afkaaro salka ku haya sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka iyo wada jirka ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ma jirto faah-faahin intaa ka baddan oo laga bixiyay kulanka oo kusoo beegmay xilli ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi waajahay duruufo siyaasadeed, isla markaana ay guaranteeda ka saartay gobolka Sool. gaar ahaan Magaalada Laascaanood kaddib dagaalo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo dhacdadii guuldarada ahayd ee 25 August 2023. Iyadoo maxaabiistii laga Qabtay Ciidanka Qaranka ay weli ku  jiraan gacanta maleeshiyada beeleed ee la wareegtay deegaanka, kuwaas oo aannay weli xukuumaddu xal u raacin, sidoo kalena aannay bulshada la wadaagin sababtii keentay dhacdadaa iyo cida iska leh masuuliyadeeda.

Sidoo kale, kulanka Madaxweyne Biixi la yeeshay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale ayaan la ogayn in lagu soo qaaday Heshiiska (MoU) ee Madaxweyne Biixi 1 Jan 2024 Addis Ababa kula seexday Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abay Axmed, madaama uu guux baddan oo lagu fiicanyahay Heshiiska uu jiro Awdal oo Madaxweyihii hore Daahir Rayaale kasoo jeeddo.

Labada Madaxweyne waxa hadhimo-sharafeeda ku weliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha guddaha, Maxamed Kaahin Axmed, Hrumarinta Biyaha,  Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Ganacsiga iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Xannaanada Xoollaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka Gollayaasha iyo arrimaha Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo qoyska, Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), Macdanta iyo Tamarta, Cabdullaahi Faarax Cabdi, Waxbarashadda iyo Sayniska, Dr Axmed Aadan Buuxane iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka Maraykanka iyo Kanada (Canada) Amb. Bashiir Sheekh Cumar Good.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post