Somaliland: Maxaa Kasoo Baxay Kulanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Guddida Diiwaangelinta Iyo Dib-u-habaynta Ciidamada Qaranka
Araweelo_News_Network
WAR-SAXAAFADEED 02/03/2025
Hargeysa(ANN)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka KDQ JSL ayaa xafiiskooda ku qaabilay Guddida Diiwaangelinta iyo Dib-u-habaynta Ciidmamada Qaranka ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha JSL, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Guddidaas oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Guddaha, Cabdalle Maxamed Carab oo ay weheliyeen Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen, iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Ambassador Maxamed Xaaji.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha diiwaangelinta ciidammada, iyadoo laga wada-hadlay qodobaddan:
✅ Warbixinta Guddida Diiwaangelinta & Dib-u-habaynta Ciidammada:
Guddidu waxay sharraxaad ka bixisay diyaar-garowgooda, iyagoo sheegay in la dhammeystiray qorshe-hawleedka, ayna diyaariyeen software-kii iyo server-yadii nidaamka diiwaangelinta.
✅ Taageero Qalab Diiwaangelinneed (IRIS Biometric):
Madaxweynaha JSL ayaa hore uga codsaday KDQ in ay Guddida ku wareejiyaan 50 (Kit) oo qalabka diiwaangelinta IRIS Biometric ah, kuwaas oo dhammeystiran, si loogu adeegsado hawshan muhiimka ah. Qodobkan ayaa isaga na ay labada dhinac ku lafagureen kulankooda.
✅ Taageero Farsamo iyo Shaqaalaha:
Guddida ayaa KDQ ka (Nec) codsaday in ay soo xulaan 50 ka mid ah tababarayaasha heerka sare ee (TOTs) ee khibradda u leh nidaamka IRIS Biometric, si ay u noqdaan hawl-wadeennada (Operators) ka shaqeyn doona diiwaangelinta ciidammada.
✅ Talooyin Farsamo:
KDQ waxay Guddida la wadaagtay talooyin muhiim ah oo la xidhiidha hannaanka diiwaangelinta, caqabadaha suurtogalka ah, iyo xaqiijinta in nidaamku si hufan u fulo, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradda KDQ ee hirgelinta nidaamka IRIS Biometric.
✅ Heshiis Farsamo:
Labada dhinac waxay isla qaateen in la diyaariyo Heshiis Farsamo (Handover Agreement), kaas oo si rasmi ah loogu faahfaahiyey dhammaan macluumaadka qalabka ay KDQ ku wareejinayaan Guddida Diiwaangalinta & Dib-u-habaynta Ciidammada Qaranka JSL.