X
    Categories: Warar

Somaliland: Masuulkii 15aad Ee Xilka Iska Casilay Xukuumadda 24 Saacadood Gudahood Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Saaray Magcaabis

Wasiirkii Wasaarada Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole.

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa magcaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland, saacado kadib markii uu magcaabis iyo isku bedel ku sameeyay xukuumadda, taas oo daba socotay 15 Masuul oo isugu jira Wasiiro, wasiiro ku Xigeeno iyo masuuliyiin kale oo shalay iska casilay Xukuumadda.

Qoraalka Magcaabista oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda galabta, ayaa lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3638/102015 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.

Axmed Faarax Cadare Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland 27 Oct 2015


Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha), ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda oo ku Taariikhaysan – 27/10/2015, kaasoo uu warbaahinta u qaybiyay Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL. Naasir Yuusuf Daahir.

Dhinaca kale Wasiirkii Wasaarada Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Prof. Faarax Cilmi Geedoole , isla markaana ka mid ah musharixiinta u tartamaya jagada Madaxwayne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE, ayaa goor dhawayd ka dhawaajiyay inuu iska casilay Xilkii uu ka hayay Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.
“Maanta waxaan ku dhawaaqayaa in aan iska casilay xilkii aan ka hayay xukuumadda KULMIYE, waxaanan leeyahay cid igu dirqiday ma jirto ee hankayga Madaxwayne Ku-xigeen, ayaan u madax banaanaanayaa ,Madaxwaynaha waan u mahad celinayaa culays baa ka jira xaga Xisbiga KULMIYE iyo Madaxwayne Ku-xigeenka “ayuu yidhi Wasiir Geedoole oo warbaahinta la hadlay.

Wasiir Geedoole oo ka mid ah xubnaha kasoo jeeda gobolka Awdal ee shaaciyay inay u tartamayaan Madaxweyne ku xigeenka doorashada golaha dhexe ee Xisbiga 10 Nov 2015, ayaa ka mid ahaa Xubnaha ay isku aragtida yihiin raxan wasiiro ah oo shalay 26 Oct, 2015, mar keliya iska casilay xilalkii ay hayeen, kuwaas oo u badnaa xubnihii Madaxweyne Siilaanyo xukuumaddisa ugu awoodda badnaa ee safka hore kaga jiray xukuumaddii uu soo dhisay shan sanadood ka hor markii uu ku guulaystay doorashii 26 Jun 2010.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post