X
    Categories: Warar

Somaliland: Masuuliyiin Xilka Laga Qaaday Iyo Kuwo La Magcaabay

Madaxweyne Muuse Biixi

WAREEGTO MADAXWEYNE

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bixii Cabdi, ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa, wuxuuna sidoo kale magcaabay kuwo cusub.

Sidaana, waxa lagu sheegay wareegto kasoo baxday maanta xafiiska Madaxweynaha oo lagu yidhi, sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Xil ka Qaadis

Ku:      Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon

            Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku:      Axmed Xasan Cigaal Sahal

            Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen, waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.’ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Bixii.

Sidoo kale, wuxuu Madaxweynuhu wareegto uu masuuliyiin cusub ku magcaabay ku yidhi,

“MagacaabidMarkaan Arkay:     Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:     Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka
1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin)  Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post