X
    Categories: Warar

Somaliland: Masuuliyiin Si Badheedh Ah U Shaaciyay In Haammaha Lagu Wareejiyay Shirkaddaha Usoo Tafa-xaytay Boobka Hantida Ummadda

Hargeysa(ANN)Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si cad u sheegay in Xukuumaddu wareejisay Haammaha Shidaalka Berbera ee muranka siyaasadeed ka taagnaa. Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Wersheddaha Somaliland.
Labadan masuul oo kasoo jeeda deegaanka deegaanka Saaxil, ayaa sheegay inay Xukuumaddu xaq Dastuuri ah u leedahay kiraynta iyo Maamulida Haammaha Magaalada Berbera.
Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoollaha Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer) iyo Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole) waxay sidoo kale bulshada Saaxil weydiiyeen siday u eekayd Magaalada Berberi wixii ka horeeyay xukuumadda Axmed Silaanyo, iyagoo ku dooday in wax baddan laga qabtay gobolka Saaxil.

“Reer Saaxil waxaan weydiinaya Dawladda Madaxweyne Silaanyo ka hor siday u eekayd Berberi, 100 %, maanta ayay horumar gaadhay, hadad eegto Madaarka waad ogtihiin waxa laga qabtay, haday tahay Dekeda, Haammaha iyo horumarka Dawladda Hoose, Waaxyaha Dawliga ah iyada ayaa ugu horeysa Berberi dalka, Caafimaadka ayaa liidan jiray maanta isaga ayaa ugu casrisan Magaalooyinka Waddanka. Marka maamulka iyo maareyntana marba cidii joogta ayaa leh, waxaan leeyahay dadka kicinta halaga daayo.” Sidaa waxa yidhi Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Gadheer.
“Dawladdii Cigaal, Haammaha Shidaalka waxay ku wareejisay Sherkadii TOTAL, Shirkaddaa macaash cidi kama heli jirin, waxay ahayd Shirkad ajaanib ah. Maanta Xukuumadani Shirkaddo Muwaadiniin ah oo lacagtoodu tahay lacag dalku leeyahay oo maal gashanaya ayay ku wareejisay, waa Shirkaddo isu tegey oo dhammaan dalka ka koobaan, wixii ay Macaashaan waa wax dalkeena u kordhaya adduunka oo dhami wuxuu ku hormaray iskaashiga, meesha wax lagu guubaabiyo dadka kama muuqdaan.” Sidaana waxa yidhi Wasiir ku-xigeenka Wershaddaha Somaliland Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole)
Dhawaaqa labadan masuul ayaa su’aalo iyo doodo ka dhex abuuray bulshada, iyadoo lays weydiinayo sababta labadan masuul arrinta muranku ku taaganyahay ee Haammaha shidaalka uga hadlayaan iyo sababta ay ugu keli noqdeen, waxayna arrintani kusoo beegantay, iyadoo qaar ka mid ah shirkaddaha lagu wareejinayo Haammaha saacadihii lasoo dhaafay ka hadleen, isla markaana sheegeen in aanay ka noqon qorshaha ay ku doonayaan inay qaabkaa aan sharciga waafaqsanayn ugu boobaan hantida Ummada.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post