X
    Categories: Warar

Somaliland: Masuuliyiin Ka Socday Xukuumadda Oo Ka Qaybglay Shir Lagaga Hadlay Ganacsi Qaarada Afrika iyo Jarmalka

Araweelo News Network

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Duulista oo sheegay inay shirka u gudbiyeen fursadaha ganacsi ee dalka Somaliland

Berlin (ANN)- Wefti ka socda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Guuleed Maxamed Shire, isla markaana uu wehelinayo Md. Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland iyo Abaadir Ismaaciil oo ka mid ah La-taliyeyaasha laamaha dawladda, ayaa ka qaybgalay shir lagaga hadlay ganacsiga u dhexeeya qaaradda Afrika iyo dalka Jarmalka.
Shirkan oo ka qabsoomay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, waxa diirada lagu saaray iskaashiga ganacsiga ee u dhexeeya dalalka qaaradda Afrika iyo waddanka Jarmalka oo qaaradda Yurub ah, kaasoo sidoo kale lagu falanqeeyey sidii labada dhinac uga faa’iidaysan lahaayeen ganacsigooda, iyadoo ergooyinku ka qaybgalay si xoogan u lafa-gureen kor-u-qaadista xidhiidhka ganacsi ee Afrika iyo Jarlamka, loona samayn lahaa nidaam maalgelineed oo khuseeya ganacsiga ay wadaan labada dhinac.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland , shirkan ayaa ah kii u horeeyey ee lagaga hadlo ganacsi dhexmara Afrika iyo Jarmalka, kaasoo faa’iido u leh iskaashiga ganacsi ee waddanka Jarmalku la leeyahay dalalka Afrikaanka ah.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Duulista, ayaa sheegay inay shirkaas ku soo bandhigeen fursadaha ganacsi iyo khayraadka dihin ee Ilaahay (SWT) ku manaystay dalka Somaliland.
“Waxaannu ku dedaalnay sidii aannu dadka ka qaybgalay shirkan ugu bandhigi lahayn fursadaha dihin ee dalka Somaliland, waxanannu rajaynaynaa natiijo fiican inay inooga soo baxdo, haddii Ilaahay yidhaah,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Guuleed Maxamed Shire.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post